28.2 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Dhaq-dhaqaaqyo ka socda aagga degmada Buurhakaba – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada gobolka Baay ayaa maanta howl-gallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaanno hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa lagu xaqiijinayay amniga deegaannadaasi, si looga hortago falal amni darro oo ay maleegayeen kooxda Al-Shabaab. Howl-gallada ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada kala ah Bansoole, Balow, Urka Shinbiroow iyo Abowle.

Deegaannadan ayaa la sheegay in mararka qaar si dhuumaaleysi ah ay kusoo geli jireen xubno ka tirsan argagixisada, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan u geysan jiray dadka shacabka ah. Kooxahan ayaa mararka qaar sameyn jiray falal cabsi gelin, baad iyo weerarro gaadmo ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howl-galka ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ay ahayd xaqiijinta amniga, la-dagaallanka Khawaarijta iyo in shacabka laga dulqaado culeyska ay ku hayaan maleeshiyaadkaasi.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ciidamadu ay sii wadi doonaan howl-gallada noocaan ah ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada hoos yimaada Buurhakaba.

Intii ay socdeen howl-gallada, ciidamada kumaandooska Danab ayaa baaritaanno ku sameeyay goobo lagu tuhmayay inay gabaad ka dhiganayeen xubno ka tirsan argagixisada, iyagoo sidoo kale la kulmay bulshada deegaannadaasi si ay uga xog wareystaan xaaladda amni iyo dhaq-dhaqaaqyada laga shakisan yahay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada laga fuliyay howl-gallada ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidanka Danab, iyagoo muujiyay inay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada, si loo xoojiyo amniga deegaannadaasi.

Dhawaan ciidanka xoogga dalka ayaa dib u furay waddada muhiimka ah ee xiriirisa gobollada Shabeellaha Hoose iyo Bay, kaddib markii halkaas laga sifeeyay Shabaab-kii ku sugnaa, taas oo sahashay isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga.

- Advertisement -

Read more

Local News