28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Halka qodob ee la isku mari waayey wada-hadalladii Iiraan iyo Mareykanka oo la shaaciyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Islamabad (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa soo jeediyay in Iiraan ay aqbasho hakin muddo 20 sano ah oo lagu sameeyo tayeynta Yuraaniyamta (uranium enrichment), intii ay socdeen wada-hadalladii Sabtida iyo Axadda ka dhacay magaalada Islamabad.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin Mareykan ah iyo ilo xog-ogaal ah, Iiraaniyiinta ayaa dhankooda diiday soo-jeedintaas, iyagoo soo bandhigay in muddadaas laga dhigo waqti aad u gaaban oo ka yar toban sano.

Khilaafka ka dhashay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan — gaar ahaan in Tehran ay oggolaato in aysan tayeeynin Yuraaniyamta, isla markaana ay wareejiso kaydkeeda hadda jira — ayaa ahaa caqabadda ugu weyn ee hortaagan in heshiis la gaaro.

Dalalka dhexdhexaadinta wada ee Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa hadda isku dayaya inay soo afjaraan kala-fogaanshaha u dhexeeya labada dhinac, si heshiis loo gaaro ka hor inta aysan dhammaan xabbad-joojinta 21-ka bishan Abriil.

Dhanka kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu go’doomin saaray Iiraan, taas oo qayb ka ah cadaadis uu doonayo inuu ku kordhiyo awooddiisa gorgortanka wada-hadallada.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay inuu weli socdo is-dhaafsiga xiriirka labada dhinac, ayna jirto horumar laga sameynayo isku-dayga lagu doonayo in heshiis lagu gaaro. Madaxweyne Trump, oo Isniintii saxafiyiinta kula hadlayay Aqalka Cad, ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay saaka la soo xiriireen “dadka saxda ah ee Iiraan… ayna doonayaan inay heshiis galaan.”

Dalabka Mareykanka ee ah in la hakiyo barnaamijka tayeynta Yuraaniyamta ayaa ahaa qodobkii ugu xasaasisanaa ee wada-hadalladii adkaa ee dhammaadkii toddobaadka. Ilo wareedyo ayaa sheegay in Mareykanku uu soo jeediyay ugu yaraan 20 sano oo hakin ah, taas oo ay wehliyaan xayiraado kale oo dhinacyo badan ah.

Washington ayaa sidoo kale dalbatay in Iiraan ay dalkeeda ka saarto dhammaan Yuraaniyamta sida aadka ah loo tayeeyay. Si kastaba ha ahaatee, Iiraaniyiinta ayaa soo jeediyay in beddelka in dalka laga saaro, ay diyaar u yihiin in ay hoos u dhigaan awoodda maadadaas, iyadoo ay arrintaas kor joogteynayaan hay’ado caalami ah.

In kasta oo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah, wafdiga Iiraan ayaa rumeysnaa inay qarka u saaran yihiin heshiis hordhac ah subaxnimadii Axadda, balse waxaa si lama filaan ah uga yaabiyey shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaan bixin wax rajo ah oo muujinaysa in heshiis la dhow yahay, wuxuuna eedda dusha u saaray Iiraaniyiinta, isagoo ku dhawaaqay in wafdiga Mareykanku uu isaga baxayo Islamabad. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Iiraaniyiintu ay aad uga careysnaayeen shirkaas jaraa’id.

Xildhibaan Seyid Maxamuud Nabavian, oo ka tirsan baarlamaanka Iiraan, kana mid ahaa wafdiga wada-xaajoodka, ayaa Isniintii xaqiijiyay in labada dalab ee Mareykanka ee ku saabsan arrinta nukliyeerka ay sabab u ahaayeen burburka wada-hadallada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Vance uu khadka taleefanka ugu xaqiijiyay isagoo ku sii socda Washington, in caqabadda ugu weyn ay tahay sidii Iiraan looga saari lahaa dhammaan maadada la tayeeyay, lana xaqiijiyo in aysan jirin wax tayeyn ah “sanadaha soo socda, taas oo qaadan karta tobanaan sano.”

Aqalka Cad ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin codsiyo la xiriira inuu faahfaahin ka bixiyo arrintan.

Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan Shehbaz Sharif ayaa Isniintii sheegay in dhex-dhexaadiyayaashu ay si adag uga shaqeynayaan sidii loo furdaamin lahaa khilaafaadka weli u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, oo door muhiim ah ka ciyaaraya dadaalladan, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqdo Washington, halkaas oo uu kula kulmi doono Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo mas’uuliyiin kale.

Dowladda Turkiga ayaa iyaduna safka hore kaga jirta isku-dayga la isugu soo dhaweynayo labada dhinac, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan iyo madaxa sirdoonka Ibrahim Kalin ay qayb ka yihiin wada-hadallada.

Fidan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa yiri: “Mowqifyada bilowga ah inta badan waa kuwo adag oo xad-dhaaf ah. Laakiin markii dambe, dhinacyadu waxay isku dayaan inay helaan meel dhexe iyagoo gacan ka helaya dhex-dhexaadiyayaasha. Ilaa iyo inta ay ka leeyihiin ujeeddo ah inay gaaraan, ilaaliyaan, oo ay si joogto ah u hirgeliyaan xabbad-joojin. Waxa aan arko ayaa ah in labada dhinacba ay si daacad ah u doonayaan xabbad-joojinta.”

Wasiir Fidan ayaa rajo ka muujiyay in Iiraaniyiintu ay dib u eegi doonaan soo-jeedinta Mareykanka, ayna maalmaha soo socda bixin doonaan jawaabtooda. Wuxuu soo jeediyay in la tixgeliyo in xabbad-joojinta lagu kordhiyo 45 ilaa 60 maalmood, si fursad loo siiyo in wada-xaajoodyadu ay sii socdaan.

Ugu dambeyntii, Fidan ayaa ka digay in haddii arrinta nukliyeerka, gaar ahaan tayeynta, laga dhigo shuruud adag oo ah “in dhammaan la aqbalo ama la diido,” ay dhalin karto caqabad aad u weyn. Wuxuu ballan-qaaday in dhex-dhexaadiyayaasha iyo dalalka kale ay isku dayi doonaan sidii caqabadaas looga gudbi lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News