Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Dowladda Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo ku aadan gobolka, iyada oo si rasmi ah u gudbisay nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta, kaasi oo ay Soomaaliya horey u meel marisay.
Kadib xaflad ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayay wasiir Khadiija si rasmi ah nuqulka ugu wareejisay ku xigeenka Madaxa xafiiska Guddoonka Mudane Moussa Mohamed Omar, ayadoo sidoo kaleay goobjoog aheyd Prof. Hajer Gueldich, Agaasimaha arrimaha Sharciga ee Midowga Afrika iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjre Warfaa.
Khadiija Al-Makhsuumi oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadani ka turjumeyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhaqan gelinta Axdigan ayadoo tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda carruurta.
Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay inay ku faraxsan tahay dhammaystirka Axdigan oo muddo dheer soo socday, iyadoo Wasaaraddu caddaysay in Axdigan ay ka reebtey qodobo dood dhaliyay oo aan u wanaagsaneyn carruurta Soomaaliyeed, kuwaas oo ay kamid yhiin mamnuucidda guurka ka yar 18-jirka iyo da’da qaangaadhka.
Waxaa kale oo ay wasaaraddu intaasi kusii dartay in go’aankaas uu ku salaysnaa “ilaalinta madaxbannaanida sharciga ee dalka, ixtiraamka Diinta Islaamka, iyo ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed”.
Arrintan ayaa ku timid, kadib markii dib-u-eegis qoto-dheer lagu sameeyay qodobada qaar oo halis ku ahaa diinta dhaqanka wanaagsan ee dadka Soomaaliyeed.
Si kastaba wareejinta Soomaaliya ee nuqulka Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ayaa ka marqaati kaceyso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hormarinta iyo ilaalinta Xaquuqda Carruurteeda.


