28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Talyaaniga oo qaaday tallaabo weyn oo ka dhan ah Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Roma (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa Talaadada sheegtay in xukuumaddeedu ay hakad gelisay heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah oo ay la lahaayeen Israa’iil, taasi oo ka turjumaysa xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya labadan dal ee horay u ahaa xulafada dhow, xilli ay sii socdaan colaadaha ka holcaya Bariga Dhexe.

Xukuumadda garabka midig ee Meloni ayaa ka mid ahayd saaxiibada ugu dhow ee Israa’iil ay ku leedahay Yurub, balse toddobaadyadii la soo dhaafay waxay si adag u dhaliishay duqeymaha ay Israa’iil ka waddo Lubnaan, kuwaas oo dilay boqolaal qof, kumannaan kalena dhaawacay.

Sidoo kale, ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadkii hore rasaas digniin ah ku furay ciidamo Talyaani ah oo qayb ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan, taas oo burbur gaarsiisay gaari ay wateen.

“Marka ay jiraan waxyaabo aanan isku waafaqsanayn, waxaan u dhaqannaa sida ku habboon,” ayay Meloni u sheegtay saxafiyiinta xilli ay ku sugnayd carwo khamriga lagu soo bandhigo oo ka dhacday magaalada Verona ee waqooyiga Talyaaniga. “Iyadoo la eegayo xaaladda taagan, xukuumaddu waxay go’aansatay inay hakiso cusboonaysiinta tooska ah ee heshiiska difaaca ee Israa’iil,” ayay raacisay.

Shaacinta Meloni ayaa calaamad u ah isbeddel diblomaasiyadeed oo ay sameyneyso xukuumaddeeda garabka midig, iyadoo go’aankani uu imaanayo maalin uun kaddib markii ay dhaliishay xulufo kale oo dhow, kaas oo ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ay ku cambaaraysay weerarada afka ah ee uu ku qaaday Pope Leo.

Ilo xog-ogaal ah oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in Meloni ay go’aankan gaartay Isniintii, kaddib wada-tashi ay la yeelatay wasiirradeeda arrimaha dibadda iyo difaaca, Antonio Tajani iyo Guido Crosetto, iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Matteo Salvini.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa dhankeeda isku dayday inay yareyso saameynta go’aankan. “Ma lihin wax heshiis amni ah oo nala dhexeeya Talyaaniga. Waxaan leenahay is-afgarad (MoU) sanado badan ka hor la saxiixay kaas oo waligiis aan xambaarsanayn wax nuxur ah oo dhab ah. Tani saameyn kuma yeelan doonto amniga Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Meloni, oo xukunka haysay tan iyo sanadkii 2022, ayaa wajihi doonta doorashooyin guud dabayaaqada sanadka 2027.

Lorenzo Castellani, oo ah taariikhyahan dhanka siyaasadda oo wax ka dhiga Jaamacadda Luiss ee Rome, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in tallaabadani ay tahay “dib-u-habeyn lagu sameynayo mowqifka siyaasadeed.”

“Waxay ka baqaysaa in qayb weyn oo ka mid ah cod-bixiyayaasha, xitaa kuwa garabka midig-dhexe, ay si weyn u dhaliilaan Trump iyo Netanyahu iyo waliba saameynta dhaqaale ee uu yeelanayo dagaalkan lagu qaaday Iiraan,” ayuu yiri Castellani.

Axsaabta mucaaradka ee Talyaaniga ayaa muddo dheer ku baaqayay in la joojiyo heshiiska lala galay Israa’iil.

Heshiiskan, oo ay sanadkii 2003 saxiixday xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Silvio Berlusconi, ayaa dhaqan galay sanadkii 2006, wuxuuna ahaa mid si toos ah isu cusboonaysiiya shantii sanaba mar, haddii aanu mid ka mid ah dhinacyadu si rasmi ah uga bixin.

Wuxuu koobayaa dhinacyada ay ka mid yihiin soo-iibsiga, tababarka, iyo “soo dejinta, dhoofinta iyo marin-gelinta qalabka difaaca iyo milateriga.”

Iyadoo ay sare u kacday xiisadda diblomaasiyadeed, xukuumadda Rome ayaa toddobaadkii hore u yeertay safiirka Israa’iil si ay ugu gudbiso cabasho adag oo ku aaddan dhacdadii lala beegsaday ciidamada Talyaaniga ee ku sugan Lubnaan.

Dhanka kale, maalintii Isniinta, xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa iyaduna u yeertay safiirka Talyaaniga si “looga wada-hadlo xaaladda Lubnaan.”

- Advertisement -

Read more

Local News