Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo ku ekaa shalay, 14-kii April 2026.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in hadda dalka uu galay firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed, maadaama uu watigii sii dhammaanayo.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay haysato fursado aad u kooban, loona baahanyahay inay abuurto jawi deggan oo wada-hadal.
“Waxaan galnay marxalad adag oo ah faaruq dastuur iyo hubanti la’aan. Dowladda Federaalka Soomaaliya hadda waxay ku shaqaynaysaa waqti amaah ah, waxayna haysataa fursado aad u kooban oo halis leh si ay u hirgeliso ajendayaasheeda”. ayuu qoraalkiisa ku yiri Mudane Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale xusay in haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu haysto fursad hal bil ah, isaga oo shaaciyay inuu kula kulmi karo dhinacyada kasoo horjeedo, si looga wada-hadlo hannaanka doorashooyinka.
“Waxaa weli jira hal bil oo uu Madaxweynaha ku kulmin karo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta doorashada si loo gaaro heshiis la wada oggol yahay. Waxaa muhiim ah in markan la eego sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada soo noqnoqotay ee ah in awoodda lagu koobto hal qof marka muddo-xileedku dhammaanayo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaarihii hore.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus, iyo inay fariimo u dirayaan beesha caalamka, iyagoo ku wargelinaya in uu si rasmi ah u dhammaaday muddo-xileedkii Baarlamanka, isla markaana ay jirto baahi loo qabo in cadaadis diblomaasiyadeed la saaro Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Si kastaba, Dhammaadka muddada Baarlamanka ayaa imaanaya iyadoo weli uu taagan yahay muran xooggan oo ka dhashay dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.

