Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in aanu qorsheynaynin inuu saldhigyo milateri oo cusub ka sameysto Geeska Afrika, xitaa iyadoo maamulka Somaliland uu riixayo yabooh uu Washington ugu oggolaanayo isticmaalka dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee istaraatiijiga ah ee Berbera.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo indhaha caalamku ay haatan ku soo jeedaan Marinka Bab el-Mandab, oo ah marin-biyood ciriiri ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaddib markii carqaladeyn ka dhacday Marinka Hormuz ay abuurtay cabsi hor leh oo ku aaddan waddooyinka tamarta gobolka iyo isku-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Saraakiil sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo uu ku jiro Taliyaha AFRICOM Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa dhowaan booqday xarumo ku yaalla Somaliland oo ay mas’uuliyiinta deegaanku sheegeen inay awoodaan taageerida hawlgallada cirka iyo badda.
Somaliland, oo ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’day sanadkii 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah, ayaa si weyn isugu soo bandhigtay inay tahay saaxiib amni oo suurtagal ah oo reer Galbeedku ku yeelan karaan Geeska Afrika.
Diiradda ayaa si gaar ah loo saaray magaalada Berbera, halkaas oo Somaliland ay Mareykanka u bandhigtay dekedda biyaha qotada dheer iyo garoon diyaaradeed oo leh dhabaha diyaaradaha oo aad u dheer, kaas oo mas’uuliyiintuna xuseen in markii hore loo dhisay in ay xaalad degdeg ah ku caga-dhigtaan diyaaradaha hawada sare ee hay’adda NASA.
Edmund Fitton-Brown, oo horay u ahaa safiirka Ingiriiska ee Yemen, haatanna ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Hay’adda Difaaca Dimuqraadiyadda (FDD), ayaa warbaahinta u sheegay in Berbera ay si cad u leedahay “awood istaraatiijiyadeed oo weyn” oo ku habboon hawlgallada badda iyo cirka.
SI kastaba, rrintan ayaa weli ah mid siyaasad ahaan xasaasi ah, maadaama xiriir kasta oo qoto-dheer oo uu Mareykanku la yeesho Somaliland uu soo kicinayo doodda la xiriirta aqoonsiga.
Somaliland oo muddo sanado ah Washington ka wadday olole lacag badan ay ku baxday oo uu taageerayo Imaaraadka, si ay ugu guuleysato aqoonsi ama ugu yaraan macaamil gaar ah oo ka baxsan Muqdisho.
Hase yeeshee, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa toddobaadkii la soo dhaafay xaqiijiyay in Mareykanku uu weli ixtiraamayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.
Baraa Shaiban, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Xuutiyiinta kana tirsan Machadka Royal United Services Institute (RUSI), ayaa ka digay in aqoonsiga Somaliland uu dhaawici karo xiriirka Mareykanku la leeyahay xulafadiisa Carabta sida Sacuudiga iyo Masar.
Wuxuu sheegay in aysan xikmad ku dhisnayn in Washington ay halis geliso xiriirka ay la leedahay saaxiibada gobolka si ay u hesho marin ay ka gasho dekedaha Somaliland.
Sidoo kale, AFRICOM ayaa sheegtay in aysan wax dan ah ka lahayn saldhig ay ka sameysato Somaliland.
“Mareykanku ma raadinayo inuu sameysto saldhigyo cusub, maadaama tallaabooyinka noocaas ah aysan la jaanqaadeynin qaab-dhismeedka amniga ee ‘America First’ ee ay qeexeen Madaxweynaha iyo Xoghayaha Dagaalka,” ayuu yiri afhayeenka AFRICOM oo la hadlay Fox News.
Hadalladan ayaa albaabka u xiraya doodda Berbera iyo isku dayadii Somaliland ee Imaaraadku gadaal ka riixayey.

