30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Gaas oo taageero u muujiyay Xasan Sheekh, runta-na u sheegay M/Goboleedyada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Suudaanta Koonfureed, ahaana madaxweynihii hore ee Puntand iyo Ra’iisul wasaare hore Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlayay xaaladda cakiran ee dalka ayaa taageero wayn u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Gaas oo runta u sheegay maamul-goboleedyada ayaa shaaciyay in iyagu ay abuureen dhibaatada taagan, isla markaana ay awood gaar ah ku haystaan magaalooyinka iyo deegaannada ay ka taliyaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in ay rabaan in kaligood taliyaan, isla markaana ay ka cabanayaan Dowladda Federaalka marka ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan fidno abuur, ayna iska horkeenayaan dowladda dhexe iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Nidaamka federaalisimka dalka waxa halleeyey maamul-goboleedyada oo noqday maxmiyado, awooddii Xamar laga oo qaaday waxay ku haystaan Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo; shaqsiyaad ayaa ku tagri falaya dowladnimada, shacabkiina waxay u sheegeen in Dowladda-dhexe cadow u tahay.. hoggaamiyaasha gobolladu keligood baa taliya isla inta ay Xamar kaga cabanayaan ayey samaynayaan.” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay haatan is-hayaan Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo weli wada dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Dhawaan ayay sidoo kale ahayd markii ay Dowladda Federaaka duullaan ku qaaday Koonfur Galbeed, soona afjartay maamulkii ka jiray halkaas ee uu hoggaaminayay madaxweyne Lafta-gareen, kadib markii uu diiday qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News