30.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xog: Mucaaradka oo isugu tegaya guriga Shariif + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in cawaa ay yeeshaan shir xasaasi ah oo ay uga hadlayaan xaaladda soo korortay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qorshahoodu yahay inay isugu tegaan guriga madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo yeelanayo shir wadatashi ah oo ku aaddan marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ay soo saari doonaan go’aanno xasaasi ah oo ku aadan marxaladda la galay, maadaama muddo xileedkii Baarlamaanka uu ku ekaa shalay oo ay ahayd 14 April 2026. Xubnaha shiraya ayaa horay uga digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan.

Waxaa kale oo la filayaa in ay ka doodaan qodobadii kasoo baxay shirkoodii Nairobi iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan ee la xiriira dhanka Villa Soomaaliya, maadaama uu isna muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh uu ka haray 30 cisho oo kaliya, isla markaana aan weli laga gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Siyaasiyiinta ka qayb-geli doonto shirka ayaa kasoo jeeda Muqdisho, waxayna qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka maadaama ay saami wadaagaan madaxweynaha Soomaaliya.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli uu haatan sii xoogeysanayso hubanti la’aanta la xiriirta doorashooyinka, doodda ka taagan wax ka beddelka dastuurka oo ay weli diidan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Dastuurka cusub ee la ansixiyay, isla markaana ay ku dhagan tahay Villa Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo ay si adag uga soo horjeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka.

Soomaaliya ayaa sii galeysa marxalad adag oo xasaasi ah, waxaana usii dheer xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News