28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Warta Siigaale oo burburtay kadib roob ka da’ay Muqdisho xilli ay ku baxday lacag badan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warta Siigaale ee degmada Hodan oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay mashruuc uu maalgeliyay Bangiga Adduunka, uuna fuliyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka burburtay kaddib roob ka da’ay magaalada Muqdisho.

Wartan oo loo dhisay in lagu xakameeyo biyaha roobka iyo fatahaadaha ayaa noqotay mid aan u adkeysan karin culayska biyaha, sida ay muujinayaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo si weyn u faafay.

Muuqaalladaas ayaa muujinaya gidaarrada warta oo dumay, kaddib markii ay xakamayn waayeen biyaha ku soo rogmaday, taas oo keentay in dib u dhiskii lagu sameeyay uu si degdeg ah u fashilmo.

9-kii bishan ayay ahayd markii xarigga laga jaray mashruucan, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu xilligaas sheegay in Warta Siigaale ay xal u tahay maaraynta daadadka roobka, isla markaana si gaar ah xoogga loo saaray dib u dhiskeeda.

Si kastaba, burburka degdegga ah ee ku yimid wartan ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira tayada dhismaha iyo habka loo fuliyay mashruuca, maadaama uusan u adkeysan karin xitaa roob aan aad u weynayn.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Hodan oo ku saabsan sababta keentay burburkan iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli horey ay u jireen mashaariic kale oo laga fuliyay caasimadda, sida waddooyin la dhisay oo fashilmay, kuwaas oo ay bulshada reer Muqdisho si weyn u dhaliishay, iyagoo dalbanaya isla-xisaabtan iyo hufnaan dheeraad ah.

- Advertisement -

Read more

Local News