29.4 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Golaha Mustaqbalka oo diiday doorasho ay maamulayaan madax-goboleedyada dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ah dalladda ugu weyn ee mucaaradka, ayaa sheegay inuusan ka qayb geli doonin doorasho ay gacanta ku hayaan madaxda dowlad-goboleedyada, xilli ay sidoo kale diidan yihiin nooca doorasho ee uu wado Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay inuusan aqbali doonin in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, isagoo diiday laba dariiqo oo uu sheegay in midna aysan haysan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Midda koowaad waa doorasho dadban oo ay go’aankeeda leeyihiin madaxda dowlad-goboleedyada, halka tan labaad ay tahay hannaan ay dowladda federaalka keligeed ku maamusho geeddi-socodka doorashada.

Murashax madaxweyne Cabdiqaadir Cosoble, oo ka mid ah wejiyada siyaasadeed ee ku jira Golaha Mustaqbalka, ayaa sheegay in dalladdu aysan ka shaqeyn doonin doorasho la mid ah tii 2022, taas oo awood weyn siisay madaxda maamul-goboleedyada.

Mucaaradka ayaa qaba in dib loogu laabto qaabkii hore uu sii hurin karo muranka siyaasadeed, maadaama nidaamkaas muddo dheer lagu dhaliilayay inuu ku saleysan yahay gorgortan hoggaamineed oo xaddidaya matalaadda dadweynaha.

Waxa uu sheegay in Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland, ay isla garteen hannaan doorasho oo aan awoodda ugu weyn siinayn dowlad-goboleedyada, isla markaana laga fogaanayo qaab kasta oo mar kale dib u soo celin kara ismari-waagii siyaasadeed ee hore dalka uga dhacay.

Hase yeeshee, diidmada mucaaradka ee doorashada dadban waxay ku soo beegmaysaa xilli dowladda federaalka ay riixeyso hannaanka “qof iyo cod”, kaas oo iyaduna aan weli helin oggolaansho siyaasadeed oo loo dhan yahay, oo ka timaada dhanka mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Dowladda ayaa u aragta nidaamkan inuu yahay waddada ugu dhow ee lagu gaari karo doorasho qof walba codkiisa dhiiban karo, balse mucaaradka iyo siyaasiyiin kale ayaa ku doodaya in geeddi-socodkaas aanu weli haysan saldhig sharci iyo mid siyaasadeed oo mideyn kara dhinacyada is haya.

Tijaabadii ugu horreysay ee nidaamkan ayaa ka dhacday Muqdisho dabayaaqadii sanadkii hore, markaas oo caasimaddu marti-gelisay doorasho qof iyo cod ah oo loo arkay tallaabo hordhac ah. Si kastaba, su’aalaha ugu waaweyn ayaa weli taagan, kuwaas oo la xiriira sida doorasho guud oo dalka oo dhan laga wada hirgelin karo iyadoo ay jiraan tabashooyin amni, sharci iyo kuwo siyaasadeed.

Muranka doorashada waxaa sii adkeeyay wax-ka-beddelladii dastuurka ee baarlamaanku ansixiyay bishii March, kuwaas oo furay dood cusub oo ku saabsan jadwalka kala-guurka siyaasadeed iyo suurta-galnimada in doorashooyinka la filayay bisha May ay dib u dhacaan. Arrintan ayaa sii kordhisay shaki ku saabsan in waqtiga kooban ee harsan lagu heli karo hannaan doorasho oo la isku wada raacsan yahay.

Xiisaddan siyaasadeed ma aha mid cusub. Soomaaliya waxay tan iyo dib-u-dhiska dowladnimada sanadkii 2000 la daalaa-dhacaysay sidii loo heli lahaa nidaam doorasho oo sharciyad leh, xasiloon, isla markaana ay ku mideysan yihiin dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka.

Dhammaadka muddo-xileed kasta waxa soo noqnoqda muran ku saabsan cidda maamuleysa doorashada, qaabka loo wajahayo matalaadda siyaasadeed, iyo sida loo isku waafajinayo nidaamka federaalka.

Khilaafka hadda jira wuxuu sidoo kale ku dul fidsan yahay xiriir horey u liitay oo u dhexeeya Villa Somalia iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo marar badan ka biyo diiday qaababka siyaasadeed ee ay dowladda federaalka waddo. Taasi waxay sii adkeyneysaa in si degdeg ah loo gaaro heshiis cusub oo lagu wajaho kala-guurka.

Marka la isku daro diidmada mucaaradka ee doorasho ay maamul-goboleedyadu maamulaan, shakiga ka jira nidaamka qof iyo cod, muranka dastuurka, iyo waqtiga sii yaraanaya ee ka harsan dhammaadka muddo-xileedka, Soomaaliya waxay mar kale u muuqataa inay galayso marxalad xasaasi ah, oo aysan muuqan in xilli dhow ay dhici doonto doorasho, nooca ay doonto ha noqoto’e.

- Advertisement -

Read more

Local News