28.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Soomaaliya iyo Shiinaha oo qaaday tallaabo muhiim ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashigooda iyadoo Arbacadii si rasmi ah ay labada dal u daah-fureen Xarunta Cilmi baarista iyo  Casriyeynta Shiinaha oo laga hirgeliyay Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya.

Arrintan ayaa muujineysa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee sii kobcaya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Daah-furka xarunta cusub waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Diabadda  Mudane Xamza Haadow iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.

Aasaaska Xarunta Cilmi baarista iyo Casriyeynta Shiinaha waxay ka tarjumayaa dadaalka wadajirka ah ee lagu horumarinayo is weydaarsiga aqoonta, kordhinta is fahamka labada dal, iyo dhiirrigelinta cilmi baaris wadajir ah oo ku saabsan arrimaha istaraatiiji ah.

Sidoo kale, Machadka Diblomaasiyadda, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee tababarka iyo cilmi baarista Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa door weyn ka ciyaara diyaarinta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale xoojinaya  ka qaybgalka Soomaaliya ee heer caalami iyada oo loo marayo waxbarasho, cilmi baaris siyaasadeed, iyo iskaashi caalami ah.

Dhinaca kale, Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Dr Hodan Cismaan oo qoraal soo saartay ayaa faah-faahinsay ka bixisay muhiimadda xaruntan cusub, iyadoo si weyn ugu bogaadisay labada dowladood.

?Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, munaasabadda taariikhiga ah ee lagu daah-furay Xarunta Daraasaadka Casriyeynta Shiinaha” ayay tiri Danjire Hodan Cismaan.

Waxay intaas kusii dartay “Tallaabadan qiimaha badan waxay xambaarsan tahay macne fog oo ka baxsan furitaanka xarun cusub, maadaama ay astaan u tahay heerka sii kobcaya ee xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay fahamka waayo-aragnimada horumarineed ee dalalka saaxiibka la ah”.

Ugu dambeyn Hodan ayaa xustay in xaruntan ay noqon doonto madal muhiim u ah cilmi-baaris, is-weydaarsi aqooneed, iyo diyaarinta jiil cusub oo diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ah oo si qoto dheer u fahamsan isbeddellada caalamka iyo fursadaha iskaashi ee jira.

“Waxaan ku kalsoonahay in hindisahan muhiimka ahi uu sii xoojin doono iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, kanaalin doono aqoon, faham iyo xiriir miro-dhal ah oo waara. Hambalyo mar kale” ayay qoraalkeeda kusoo gabagabeysay.

- Advertisement -

Read more

Local News