27.8 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Jubaland oo digniin culus soo saartay, sheegtay inuu dhamaaday muddo-xileedka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Kismaayo.

Golaha Wasiirrada Jubaland ayaa si qoto dheer uga hadlay hubanti la’aanta ka taagan dalka iyo dhammaadka muddo-xileedyada hay’adaha Dowladda Federaalka.

Golaha ayaa caddeeyay in 14-kii April 2026 si rasmi ah u dhammaatay muddadii sharci ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay si cad u sheegeen in muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Xukuumadda Jubaland ayaa ka digtay in xaaladdan ay horseedi karto firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara xasilloonida dalka, isla markaana saameyn ku yeelan kara howlaha hay’adaha federaalka, haddii aan si degdeg ah loo helin xal siyaasadeed oo mideysan

Waxaa kale oo ay si adag uga digeen faragelin kasta oo ka imaan karto dowlado shisheeye, taas oo ay ku tilmaameen mid dhaawici karta madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana sii hurin karta xiisadaha jira.

Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kala duwan inay ka shaqeeyaan badbaadinta nidaamka sharciyadda iyo heshiisyadii horey loo gaaray, si looga fogaado qalalaase hor leh oo dalka dib ugu celin kara marxalado adag.

Sidoo kale, Jubaland ayaa sheegtay in xalka kaliya ee looga gudbi karo xaaladda taagan uu yahay wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:

Golaha Xukuumadda Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta, 23-ka Abriil 2026, ku yeeshay magaalada Kismaayo kulankoodii caadiga ahaa, ayaa si qoto dheer uga dooday xaaladda hubanti la’aanta ah ee dalku wajahayo, iyo dhammaadka muddo-xileedka sharciyadda ee hay’adaha Federaalka.

Goluhu wuxuu caddeynayaa in, sida uu dhigayo qodobka 60-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ay 14-kii Abriil 2026 dhammaatay muddadii sharci ahaaneed ee Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale, muddo-xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka wuxuu ku egyahay 15-ka bisha May ee soo socota.

Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Jubaland waxay aaminsan yihiin in dhammaadka muddadaas sharciyeed uu si siman u taabanayo dhammaan hay’adaha Federaalka, isla markaana ay jirto khatar ka dhalan karta firaaqa jira oo keeni kara qalalaase amni iyo hoos u dhac ku yimaada howlaha Hay’adaha Federaalka ah.

Golaha Xukuumaddu waxay si adag uga digayaan faragelin kasta oo ka timaadda dowlado shisheeye oo wax u dhimaysa madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka, iyagoo xusay in tallaabooyinka noocaas ahi ay sii xumeyn karaan xaaladda jirta, isla markaana dalka u horseedi karaan burbur iyo kala qeybsanaan hor leh.

Golaha Xukuumadda Jubaland waxay ugu baaqayaan dhammaan daneeyayaasha kala duwan iyo saaxiibada Soomaaliya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan badbaadinta sharciyada iyo heshiisyada ay gaareen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la helo xal loo dhan yahay oo lagaga gudbo marxaladdan adag.

Ugu dambeyn, Goluhu waxa uu hoosta ka xariiqayaa in xal loo dhan yahay oo ku dhisan wadatashi dhab ah iyo is-afgarad siyaasadeed uu yahay dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo xasillooni waarta iyo sii jiritaanka hay’adaha dowliga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News