27.8 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Puntland oo tallaabo degdeg ah qaaday kadib afduubka Dr. Faarax Cabdi Maxamed

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wada howlgallo lagu baadigoobayo Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta hay’adda MSF ee ka howlgasha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo, kaas oo ay afduubatay koox hubeysan.

Dr-ka ayaa maalintii labaad ku jira gacanta kooxda afduubatay, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Puntland ay si kulul u cambaaraysay afduubka loo geystay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu muujiyay sida uga xun yihiin dhacdadan, iyagoo tilmaamay mid khatar ku ah badqabka iyo shaqada bahda caafimaadka ee u adeegta bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Dr. Faarax Cabdi Maxamed uu ahaa xirfadle caafimaad oo muddo dheer si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegayay bulshada, isaga oo door muuqda ka qaatay badbaadinta nolosha shacabka ku nool gobolka Mudug.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in afduubka loo geystay dhakhtarka uu yahay fal ka baxsan bini’aadantinimada, isla markaana si toos ah uga hor imaanaya qiyamka iyo anshaxa bulshada Soomaaliyeed.

Waxay intaas ku dartay in falalkan oo kale ay cabsi gelin karaan bahda caafimaadka, isla markaana wiiqi karaan adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, xilli ay baahi weyn u qabaan adeegyada caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ugu baaqday maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga inay si degdeg ah u xaqiijitan sii deynta Dr. Faarax, isla markaana la horkeeno cadaaladda cid kasta oo ku lug leh afduubka.

Ugu dambeyntiina, wasaaraddu waxay ku boorrisay bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dedejiyo badbaadinta dhakhtarka, loogana hortago falal amni darro oo noocan oo kale ah.

- Advertisement -

Read more

Local News