Brussels (Caasimada Online) — Midowga Yurub ayaa ansixiyay xirmo dhaqaale oo gaaraysa 75 milyan oo Euro, una dhigay 88 milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda ciidamada taageeraya xoogagga Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira ururka Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa ururka Midowga Yurub ka dhigeysa deeq-bixiyaha ugu weyn ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in wadarta guud ee taageerada Midowga Yurub uu siiyay howlgalladii kala dambeeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007-dii ay gaartay ku dhawaad 2.8 bilyan oo Euro.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalahan cusub, oo lagu ansixiyay hoos-imaadka Sanduuqa Nabadda ee Yurub, uu inta badan dabooli doono gunnooyinka ciidamada, qalabka aan halista ahayn iyo adeegyada kale ee la xiriira ciidamada.
Brussels ayaa intaas ku dartay in taageeradani ay ujeeddadeedu tahay in lagu xoojiyo diyaargarowga howlgalka AUSSOM, lagana caawiyo ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay halista ka geysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, iyadoo la xaqiijinayo in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada.
Ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan Midowga Afrika, Javier Niño Pérez, ayaa sheegay in tallaabadani ay muujineyso in ururku uu fulinayo ballanqaadyadii lagu sameeyay shirkii madaxda Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee bishii Nofembar 2025 lagu qabtay magaalada Luanda.
“Waxaan si wadajir ah u ballanqaadnay inaan xoojinno howlgallada nabadeed ee ay hormuudka ka yihiin Afrikaanka, waana fulineynaa taas,” ayuu yiri Pérez, isagoo raaciyay in ay muhiim tahay in la xoojiyo amniga shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.
Dhankiisa, Wakiilka Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Bankole Adeoye, ayaa soo dhaweeyay deeqdan, isagoo ku tilmaamay mid ka turjumeysa go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo maamul wanaagga dimuqraadiga ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamada ku deeqay, isagoo ku ammaanay naf-hurnimada baaxadda leh ee ay ka muujiyeen Soomaaliya.
Dhaqaalahan ayaa imaanaya kadib bilooyin ay jireen walaac xooggan oo laga qabay sida loo sii maalgelinayo howlgalka.
War-murtiyeed soo baxay bishii Diseembar 2025, ayaa Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika wuxuu ku muujiyay walaac qoto dheer oo ku aaddan farqiga dhaqaale ee joogtada ah ee wajahaya howlgalka AUSSOM.
In kasta oo goluhu uu ku ammaanay Guddiga Midowga Afrika in ay 20 milyan oo doolar oo ka timid faa’iidada Sanduuqa Nabadda u qoondeeyeen miisaaniyadda sanadka 2025, haddana waxay dalbadeen in la helo maalgelin ku filan, la saadaalin karo, oo dhowr sano ah. Mas’uuliyiinta Afrika ayaa si isdaba joog ah uga digay in ballanqaadyada kumeel-gaarka ah ay howlgallada amniga ee xasaasiga ah u nugleeyaan carqalado.
Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u beddelay Howlgalkii Kumeel-gaarka ahaa ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) 1-dii Janaayo 2025, kadib oggolaansho ka yimid Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana waqtigiisa la kordhiyay ilaa bisha Diseembar 2026. Qaybta milateriga ee howlgalkan ayaa wejigiisa koowaad ku billowday ciidamo gaaraya ilaa 12,626 askari.
Waajibaadka howlgalka ayaa waxaa ka mid ah inuu taageero ciidamada dowladda Soomaaliya ee la dagaallamaya Al-Shabaab iyo dagaalyahannada xiriirka la leh kooxda Daacish (ISIS), in la sugo amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dadku ku badan yihiin, iyo in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo hay’adaha dowladda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2029.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha dhanka amniga ayaa weli ah kuwo aad u sarreeya. In kasta oo in ku dhow labaatan sano la waday dagaal ka dhan ah kooxaha hubeysan, ururka Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya dhul baaxad leh oo miyi ah, wuxuuna sii xajistay awoodda uu weeraro uga fulin karo magaalooyinka waaweyn ee dalka.

