Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ku jiro “xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan”, kaddib markii warbixintiisa caafimaad ee sanadlaha ah lagu shaaciyay in dhowaan laga soo saaray buro kansar ah.
Qoraal uu bartiisa xiriirka bulshada ee X soo dhigay Jimcaha maanta ah, ayuu Netanyahu ku sheegay in intii lagu jiray baaritaannadiisa caafimaad ee joogtada ahaa, kuwaas oo dabo-socday qalliin guuleystay oo horay loogu sameeyay weynaansho ku yimid qanjirka borostaatada (prostate) balse aan kansar ahayn, ay dhakhaatiirtu ku arkeen buro kansar ah oo weli ku jirta heerkeedii bilowga.
Wuxuu intaas raaciyay in daweynta uu qaatay ay “meesha ka saartay dhibaatadii jirtay, isla markaana aanay reebin wax raad ah”.
Netanyahu ayaa tilmaamay inuu isagu codsaday in dib loo dhigo baahinta warbixintiisa caafimaad, si aan loo shaacinin xilli uu heerkii ugu sarreyay marayay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iiraan. Wuxuu xusay inuu tallaabadaas u qaaday si uu uga hortago in xukuumadda Tehran ay ka faa’iideysato oo ay faafiso “dacaayado been abuur ah oo intaas ka badan oo ka dhan ah Israa’iil”.
Hoggaamiyaha Israa’iil ayaa xusay in qalliinkii ugu horreeyay ee qanjirka borostaatada ee weynaaday balse aan halista ahayn lagu sameeyay qiyaastii sanad iyo bar ka hor. Tan iyo xilligaas, wuxuu ku jiray la-socod caafimaad oo joogto ah, waxaana baaritaankii ugu dambeeyay lagu ogaaday “bar yar oo ka yar hal sentimitir”.
“Waxaan ila soo darastay xaalad caafimaad oo fudud oo ku saabsan qanjirka borostaatada, taas oo gabi ahaanba la daweeyay, arrintaasi way i dhaaftay,” ayuu yiri.
Qoraalkiisa dheer, ayuu Netanyahu sidoo kale ku xusay inuu isagu doortay inuu degdeg isku daweeyo sababtoo ah, sida uu hadalka u dhigay: “Marka xogta ku saabsan khatar suurtagal ah la i siiyo waqtigii ku habboonaa, waxaan rabaa inaan isla markiiba wax ka qabto.”
Wuxuu raaciyay: “Tani waa xaqiiqo marka la eego heer qaran iyo sidoo kale heer shakhsiba”.
Marka la eego da’da Netanyahu oo ah 76 jir, kansarka qanjirka borostaatada ayaa ah mid aad ugu badan ragga, lamana aaminsana inuu leeyahay khatar degdeg ah haddii la ogaado xilli hore.
Ragga da’da ah ee badankooda, xanuunkan ayaa u kora si aad u gaabis ah, taas oo aad hoos ugu dhigeysa suurta-galnimada inuu sababo dhimasho, marka la barbar dhigo xaaladaha kale ee caafimaad ee la xiriira da’da.

