Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta iska dhex weeraray xafladdii lagu caleema saaray Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Rooble oo weerarka bilaabay ayaa sheegay in uu sii dhimaanayo muddo xileedka dowladda, ayna madaxweyne Xasan Sheekh u hartay wax ka yar 20 maalmood, isla markaana aysan weli caddeyn jihada uu aadayo dalka.
“Waxaan leeyahay dalkan maanta saaxibkey Xamza iyo odeygiisa waxaa u haray 19 maalmood iyo lix saacadood sifiican dhagaha u furay ee sida sharafta lahayd oon shalay tusbaxa idin-kuugu dhiibay fadlan soo dhawaada”. ayuu yiri Rooble.
Intaas kadib waxaa hadalka qaatay oo jawaabay Ra’iisul wasaare Xamza oo isna goobjoog ahaa munaasabadda, wuxuuna sheegay in weli fursad ay haystaan, ayna ku dhaqmayaan farsamooyin iyo xeelad, sida uu hadalka u dhigay.
“Saaxibkey Rooble oo madaafiic yaryar meesha ka tuuray waxaan leeyahay meel kasta oo la tegaa hadal-bey leedahay marka meeshan hadal siyaasadeed maleh laakiin laba kalimo haddii aan ka iraahdo intii yiri mid waxaa leeyahay war la qabaa xiiso maleh midka kalena waxaan leeyahay saacaddu haddii ay kaa istaagto waxay u baahan tahay hagaajin” ayuu ku jawaabay Xamza.
Munaasabadda lagu caleema saarayUgaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa kulmisay muxaafad, mucaarad waxaana sidoo kale ka qayb-galay madaxweyne Xasan oo guul u rajeeyay Ugaaska cusub.
Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo dowladda iyo mucaaradka isku hayaan sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka.

