Islamabad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta baajiyay safar ay laba ergey oo Mareykan ah ku tagi lahaayeen caasimadda Islamabad si ay ula kulmaan dowladda Pakistan oo dhex-dhexaadinaysa wada-hadallada dagaalka Iiraan.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan uu ka dhoofay caasimadda Pakistan markii ay soo dhammaadeen wada-hadallo, arrintaas oo dhabar-jab cusub ku ah rajadii laga qabay in xal nabadeed la gaaro.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, ayuu Trump ku sheegay in uu baajiyay booqashadii qorsheysneyd ee ergeygiisa gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay ee Jared Kushner, isagoo sabab uga dhigay wax uu ku tilmaamay jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira hoggaanka Iiraan.
“Waqti aad u badan ayaa lagu dhumiyay safar, shaqo aad u badan! Waxaa taas dheer, in uu jiro isqabqabsi iyo jahawareer baaxad leh oo ka dhex jira ‘hoggaankooda.’ Cidna ma oga cidda mas’uulka ah, xitaa iyaga qudhooda. Sidoo kale, awoodda oo dhan annaga ayaa gacanta ku heyna, iyaguna waxba ma hayaan! Haddii ay doonayaan inay wada-hadlaan, waxa kaliya oo ay tahay inay sameeyaan waa inay na soo wacaan!!!” ayuu qoray madaxweyne Trump.
Goor sii horreysay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa ka dhoofay magaalada Islamabad iyadoo aysan muuqan wax horumar ah oo laga gaaray wada-hadalladii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan dowladda Bakistaan.
Xukuumadda Tehran ayaa meesha ka saartay in wareeg cusub oo wada-hadallo toos ah ay la yeelato Mareykanka. Ilo diblomaasiyadeed oo Iiraan ah ayaa xaqiijiyay in Tehran aysan marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeertay “dalabaadka xad-dhaafka ah” ee Washington.
Ismari-waaga Mareykanka iyo Iiraan
Washington iyo Tehran ayaa haatan ku jira ismari-waa siyaasadeed, xilli Iiraan ay inta badan xirtay marinka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo caadi ahaan qaada shan-meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka loo iibgeeyo, halka Mareykankuna uu dhankiisa go’doomiyay dhoofinta shidaalka ee Iiraan.
Colaaddan, oo haatan ay ka jirto xabbad-joojin dhaqan-gashay, ayaa billaabatay kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo duqeymo xagga cirka ah ku qaadeen Iiraan. Tan iyo xilligaas, Iiraan ayaa dhankeeda weeraro la beegsatay Israa’iil, saldhigyada Mareykanka iyo dalalka Khaliijka.
Dagaalkan ayaa sababay in qiimaha tamarta uu gaaro heerkii ugu sarreeyay sanado badan, arrintaas oo hurisay sicir-barar caalami ah, isla markaana mugdi gelisay rajadii kobaca dhaqaalaha adduunka.
Bayaan lagu daabacay barta rasmiga ah ee wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ku leeyahay Telegram, ayaa lagu sheegay in Araqchi uu “sharraxaad ka bixiyay mowqifyada mabda’iga ah ee dalkiisa ee ku aaddan isbeddelladii ugu dambeeyay ee la xiriira xabbad-joojinta iyo soo-afjaridda dhabta ah ee dagaalka lagu soo qaaday Iiraan.”
Markii la weydiiyay shuruudaha Tehran ee ku aaddan mowqifka Mareykanka ee wada-hadallada, sarkaal diblomaasiyadeed oo Iiraani ah oo ku sugan Islamabad ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay: “Mabda’ ahaan, dhinaca Iiraan ma aqbali doonaan dalabaadka xad-dhaafka ah.”
Dhanka kale, Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in Mareykanku uu maalmihii la soo dhaafay arkay xoogaa horumar ah oo ka imaanaya dhinaca Iiraan, ayna rajeynayeen in horumar intaas ka badan la gaaro dhammaadkan toddobaadka. Waxay sidoo kale xustay in Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, uu isna diyaar u ahaa inuu u safro dalka Pakistan.
Madaxweyne Ku-xigeen Vance ayaa horraantii bishan hoggaaminayay wareegii koowaad ee wada-hadalladii fashilmay ee lala yeeshay Iiraan, kuwaas oo ka dhacay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

