27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

DF oo saraakiil u dirtay Luuq iyo xaaladda oo kacsan

Bookmark
Bookmarked

Share

Luuq (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay maanta dowladda ka dirtay magaalada Muqdisho ayaa  gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay horay uga jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo.

Saraakiisha maanta tegay Luuq ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulaha Guutada 43-aad Kornayl Cismaan Xaaji Axmed, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay ciidamada dowladda ee horay u joogay halkaasi.

Ujeedka wafdigan ayaa ah fulinta qorshaha dowladda, iyaga oo durbo bilaabay kulamo ay la qaadanayaan ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gedo qaybo kamid ah waxaa horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan daraawiishta Jubaland oo diidan dhaq-dhaqaaqa dowladda ee gobolkaasi, sidoo kale waxaa maalmo kahor gobolka tegay ciidamadii taabacsanaa Lafta-gareen ee isaga baxay agagaarka magaalada Baydhabo.

Arrintan ayaa keentay in xiisad cusub la dareemo, iyada oo laga cabsi qabo in ciidamadan kala duwan ay horseedaan dagaal ka qarxa halkaas.

Loolanka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyaga oo mar kale u muuqda kuwa fooda is dari doono, marka la eego sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in doorashooyin qof iyo cod ah ay ka qabato degmooyin ka tirsan Gedo, halka ay diidan tahay Jubbaland.

Muqdisho iyo Kismaayo ayaa muddo dheer waxaa ka dhexeeya khilaaf isku beddelay gacan ka hadal, sidoo kalena sababay inuu go’o xiriirkii labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News