29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Yuusuf Madaale: Waa la kala horreeyaa waase la wada socdaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ay dad badan u fasirteen in uu isaga bixi doono xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka Madaale, oo ka falcelinayey is-casilaadda Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ka tegay xilkii la-taliyaha madaxweynaha, ayuu ku yiri: “Waa la kala horreeyaa waase la wada socdaa, mid sabra iyo mid socdaalaba.”

Dad ku dhow Madaale ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalku ahaa fariin toos ah oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowr xubnood ay ka baxeen xisbigiisa JSP, si ay cadaadis ugu saaraan madaxweynaha.

Xubnahaas waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa, oo ahaa xoghayihii guud ee xisbiga, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo ahaa taliyihii hore ee NISA, iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ugu dambeeyey, kana tirsanaa la-taliyeyaasha gaarka ah ee madaxweynaha.

Qoraalka Madaale ayaa la sheegay in uu ka tarjumayey caro ka dhan ah madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, sida ay sheegeen dad ku dhow.

Madaale ayaa muddo raadinayey in mar kale loo magacaabo xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, lagana qaado Jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, oo hadda xilka haya. Muungaab ayaa xilkan ku soo noqday sanadkii 2025, kadib markii uu horey u soo qabtay intii u dhexeysay 2014 iyo 2015.

Hase yeeshee, bilo uun kadib soo laabashadii Muungaab, Madaale ayaa billaabay olole uu ku doonayo in uu mar saddexaad kursiga ku fariisto.

Madaale ayaa laba jeer soo qabtay xilka guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho. Markii koowaad waxaa xilka loo magacaabay bishii November 2015, wuxuuna hayey illaa bishii April 2017, xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Markii labaad, Xasan Sheekh ayaa dib ugu magacaabay xilka 7-dii September 2022, isaga oo beddelay Cumar Maxamuud Maxamed Filish, waxaana xilka laga qaaday December 2024, markaas oo lagu beddelay Maxamed Axmed Amiir.

Ilo ku dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay Madaale u sheegeen in aysan caqli ahaan habboonayn in kursi uu ku fadhiyo xubin ka tirsan xisbiga JSP laga qaado, laguna beddelo xubin kale oo isla xisbigaas ka tirsan.

- Advertisement -

Read more

Local News