Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa caawa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashooyinka isku sidkan ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo qorshuhu ahaa in berri ka dhacdo maamulkaasi.
Guddiga ayaa dib u dhigista doorashooyinka Koonfur Galbeed ku saleeyay codsiyo ka yimid ururrada siyaasadda, kuwaas oo dalbaday in waqti dheeraad ah loogu daro, si ay doorashooyinka ugu diyaar garoobaan si dhameystiran.
Guddiga ayaa shaaciyay in doorashada golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga dhigay maalinta Axadda oo ku taariikheysan 10 May 2026.
“Guddigu wuxuu aqbalay codsigii Ururada ee kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ahayd 25/04/2025, waxaana laga dhigay muddada kama dambeynta ah ee soo gudbinta liisaska Musharaxiinta Maalinta Talaadada ah ee 05-ka May 2026,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashooyinka qaranka.
Sidoo kale, guddiga ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si cadaalad ah, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:
Ujeeddo: Kordhinta Muddada kamadanbeynta ah ee soo gudbinta Liisaska Musharaxiinta & Cayimida Maalinta Doorashada DG KGS.
Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka:
➤ Markuu arkay codsiga Ururada siyaasada ee ku taariikheysan 23/04/2026, ku saabsanaa kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta iyo Dib-u dhigista Maalinta Doorashada oo ahayd 28/04/2026.
➤ Markuu kulan wadatashi ah la yeeshay Madaxda Ururada Siyaasadda 25/04/2026 kana dhacay Xarunta Dhexe ee GMDQS.
➤ Guddigu markuu falanqeeyay sababaha ku cad codsiga qoraalka ururada oo ay la wadaageen Bulshada iyo Warbaahinta.
➤ Guddigu markuu qaddariyey muhiimada ay leedahay in doorashooyinku ku dhacaan si hufan, loo dhan yahay, oo waafaqsan sharciga,
Guddigu wuxuu go’aamiyay:
1. Guddigu wuxuu aqbalay codsigii Ururada ee kordhinta muddada soo gudbinta liisaska musharaxiinta oo markii hore ahayd 25/04/2025, waxaana laga dhigay muddada kama dambeynta ah ee soo gudbinta liisaska Musharaxiinta Maalinta Talaadada ah ee 05-ka May 2026.
2. Waxaa la farayaa Ururada inaysan ka dib dhici karin muddada loo asteeyey.
3. Sidoo kale Guddigu waxaa uu aqbalay Dib-u dhigista Doorashada Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka DG Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo uu Guddigu horay ugu cayimay in ay dhacdo 28/04/2026, waxaana laga dhigay Maalin Axad ah Tr: 10 May 2026.
4. Ugu dambeyn GMDQS waxaa uu farayaa In dhammaan ururada siyaasadeed in ay ilaaliyaan hanaanka isu dheelitirka Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee wada daga Degmooyinka ay Doorashada ka dhaceyso marka ay soo gudbinayaan liisaskooda musharaxiinta si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada uu Guddigu hore u soo saaray muddada loo qabtay.
Tilmaamo Dheeraad ah:
➤ Guddigu wuxuu xoojin doonaa dadaallada la xiriira dardargelinta bixinta kaararka codbixinta.
➤ Waxaa sidoo kale la kordhin doonaa wacyigelinta bulshada si loo xaqiijiyo ka-qaybgal ballaaran.
➤ Guddigu wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga go’an tahay in doorashooyinka dalka ay u dhacaan si cadaalad ah, daahfuran, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
-Dhamaad-

