Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho-sharaf ah oo xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed.
Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka qeyb-galay munaasabadda ayaa isaga yimid guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, iyagoo ka jawaabay casuumaadda Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa odayaasha dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda togan ee ay ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.
Sidoo kale, wuxuu ku ammaanay kaalintooda ku aaddan dowlad-dhiska iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay hoggaanka dhaqanka guulaha ay dowladdu ka xaqiijisay dhinacyada amniga iyo dimuquraadiyeynta.
Waxaa kale oo uu ka hadlay horumarka laga sameeyay dowlad-dhiska iyo daadejinta maamulka dalka.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aan marnaba laga tanaasuli karin xaqa ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed.
Dhankooda, qaar ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha casuumaadda iyo maamuuska uu siiyey, iyagoo ku bogaadiyey guulaha laga gaaray amniga, dagaalka Al-Shabaab, dimuquraadiyeynta iyo daadejinta maamulka.






















