29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Waqooyi Bari oo soo afjartay shabakad qaab yaab leh lacago u sameyn jirtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, Qeybta Gobolka Sool ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaatay shacabka deegaanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay xog ururinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada eedeysanaha.

“Ciidanka booliska Waqooyi Bari, qeybta gobolka Sool ayaa ka dib dabagal ay ku wadeen, iyagoo kaashanaya shacabka ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo ku lug lahaa falal tahriibin iyo falal mukhallasnimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska Waqooyi Bari.

Eedeysanahan ayaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa falal tahriibin ah iyo sidoo kale falal la xiriira mukhallasnimo, kuwaas oo si weyn u saameeyay dhalinyaro badan oo ka soo jeeda deegaanada Waqooyi Bari.

Wararka laga helay booliska ayaa tilmaamaya in Farxaan uu fududeyn jiray tahriibinta dhalinyarada ka kala imanaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isagoo adeegsanayay xeelado marin habaabin ah oo lagu qaldo waalidiinta iyo ehelada dhalinyaradaas.

Habka uu u shaqeynayay ayaa ahaa mid ku dhisan been abuur, isagoo diyaarin jiray muuqaallo la iskaga dhigayo in dhalinyarada lagu jirdilayo xeebaha dalka Liibiya, gaar ahaan magaalada Bangaasi, si loo abuuro cabsi iyo degdeg ay waalidiintu lacag ugu bixiyaan.

Muuqaalladan oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo gudaha dalka lagu duubo, ayaa loo adeegsan jiray in lagu qanciyo waalidiinta in carruurtooda ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, taasoo keentay in laga qaado lacago badan oo lagu sheegay in lagu badbaadinayo.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale ku guuleystay inay soo celiyaan qaar ka mid ah dhalinyaradii la tahriibinayay, iyagoo soo bandhigay caddeymo lacageed oo muujinaya lacagihii laga qaaday dhalinyaradaas, kuwaas oo loo marsiin jiray adeegyada lacag dirista.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Ciidanka Booliska, waxaana socda dhameystirka baaritaanka kiiska si sharciga loo horkeeno, loogana qaado tallaabo waafaqsan sharciga dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News