29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Fashil weyn oo hareeyay doorashada SOMALILAND – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo kordhin u sameeyay goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyagoo u kordhiyay 2 sano iyo 3 bilood, taas oo ka dhigan in xubnihii la doortay 31-kii May 2021 ay sii joogayaan kuraastooda.

Go’aankan ayaa yimid kaddib fadhi ay yeesheen xubnaha Golaha Guurtida, waxaana ogol ku codeeyay 72 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xubnood ee golaha ka kooban, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha golaha ayaa la sheegay inuu isagu codayn, balse uu ku ekaaday ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ee fadhigaas.

Muddo kordhintan ayaa sii adkeynaysa doodaha la xiriira dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, iyadoo tallaabadan ay ka dhigan tahay in mar kale dib loo dhigay qabashada doorashooyinkii la filayay inay dhacaan xilligooda.

Golaha Guurtida laftiisa ayaa horay uga gudbay muddadii xileedkiisa dastuuriga ahayd, waxaana marar badan uu isagu isku kordhiyay muddada uu xilka hayo, arrintaas oo dhalisay su’aalo la xiriira sharciyadda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Tallaabadan cusub ayaa sidoo kale wiiqaysa nidaamkii doorashooyinka isku xiga ee Somaliland ay ku faani jirtay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo dib u dhacyada soo noqnoqday ay si weyn u saameeyeen kalsoonidii lagu qabay jadwalka doorashooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii uu mucaaradka ahaa dhowr jeer si weyn ugu dhaliili jiray Muuse Biixi Cabdi in uu ku fashilmay qabashada doorashooyinka, hase yeeshee xaaladda maanta taagan ayaa u muuqata mid isaga iyo xisbigiisa Waddani si toos ah u dhex geysay wixii uu hore ugu eedeyn jiray Kulmiye.

- Advertisement -

Read more

Local News