Badhan (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 15-ka bisha May, haddii aan xal laga gaarin khilaafaadka jira, uusan aqoonsan doonin dowlad federaal ah oo shaqaynaysa.
Siciid Deni ayaa xusay in xilligaas kaddib mas’uuliyadda iyo jihada dalka laga sugayo shacabka iyo waxgaradka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Puntland ay qayb ka noqon doonto dadaalladaas.
Hadalkan ayuu Deni ka jeediyay magaalada Badhan, isagoo si cad u yiri, “Laga bilaabo 15-ka bisha soo socota, haddii aan la helin xal Soomaali isku waafaqsan tahay, dowlad federaal ah oo jirtaa ma jiri doonto.”
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jiraan muranno siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan hannaanka dowlad-dhiska iyo doorashooyinka dalka, kuwaas oo aan weli xal mideysan laga gaarin.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Puntland ay isku filan tahay dhinacyada amniga iyo jiritaankeeda, isla markaana ay hore u qaadatay go’aanno la xiriira mustaqbalkeeda oo aan dib looga laaban doonin.
Wuxuu sheegay in go’aannadaasi ay yihiin kuwo lama taabtaan ah, ayna si adag uga hortagi doonaan cid kasta oo isku dayda falal wax u dhimaya xasilloonida iyo nidaamka Puntland.
Si kastaba, hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii iyo kalsoonidii dhinacyada.
Puntland ayaa sidoo kale hore u sheegtay in dalka uu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo amni, kadib markii uu dhammaaday muddo-xileedka baarlamaanka, iyadoo ku baaqday in ka hor dhamaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaro xal wada-ogol ah, si looga fogaado firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

