Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho, una yimid ka qayb-galka caleema saarka Ugaaska guud ee Beesha Murusade Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa lagu wadaa in caawa ay kulan xasaasi ah la yeeshaan xubnaha siyaasiyiinta ah ee mucaaradka dalka.
Odayaashan ayaa xalay soo arkay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kala hadlay xaaladda cakiran ee dalka, iyo sidii xal loo gaari lahaa.
Qaar kamid ah duubabka dhaqanka ayaa si adag madaxweynaha ula hadlay, iyaga oo ku adkeeyay inuu muujiyo tanaasul, dhexdana soo dhigo talada.
Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ayaa haatan la ballansan mucaaradka, iyaga oo dhageysan doono talooyinkooda, iyadoo muhiimaddu ay tahay in la wada-hadlo, lana dajiyo xaaladda kacsan ee siyaasadda Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa Sabtidii ka dalbaday odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay soo kala dhex-galaan iyaga iyo madaxweynaha, xalna u keenaan is-mariwaaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
“Waxaan rabaa codsi aan wakiil uga aha saaxibadey oo ku aadan duubabka codsigaag oo ah in duubabka aysan bixin illaa la’iska arko oo talada siyaasadeed meel la’isla dhigo” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Xasa Sheekh ayaa isuguna dhankiisa soo dhaweeyay in odayaasha ay qayb ka noqdaan dadaallada socda. “Dhaqanka Soomaaliyeedow waa joogtaan maanta waana fursad ee qofkii khaldan gacanta qabta, kan saxanna garab istaaga”. ayuu isna yiri Xasan.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.

