28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Mucaaradka iyo isimada dhaqanka oo shir xasaasi ah caawa uga socdo Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ka socda shir muhiim ah oo u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyadoo laga hadlayo sida xal waara looga gaari karo ismari-waaga siyaasadeed ee jira.

Hoggaanka mucaaradka ayaa odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay kaalin muuqata ka qaataan xal u helidda xaaladda taagan, isla markaana ay dalka badbaadiyaan, maadaama uu wajahayo marxalad adag oo u baahan dhex-dhexaadin iyo wada-hadal dhab ah.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay baahida loo qabo doorasho heshiis lagu yahay, iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in lagu laabto miiska wada-hadalka si looga baxo khilaafka siyaasadeed ee jira.

“Rabitaanka qof haddii laga qaban waayo dalka, meesha uu aadayo waan ognahay. Doorasho heshiis lagu yahay ayaan rabnaa, odayaasha in ay ninkaas (Xasan) ka keenaan baan rabnaa,” ayuu yiri madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Odayaasha dhaqanka ee caawa shirka la leh mucaaradka ayaa hore ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo kala hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ayaa si adag ula hadlay madaxweynaha, iyaga oo ku adkeeyay inuu muujiyo tanaasul, dhexdana soo dhigo talo mideysan.

Si kastaba, mucaaradka ayaa haatan dalbanaya in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay soo kala dhex-galaan iyaga iyo madaxweynaha, isla markaana xal u keenaan ismari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana la isku hayaa nooca doorasho ee ka dhici doonta dalka, taas oo khilaaf hor leh ka dhex dhalisay Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News