Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u daah-furay shirka Taliyayaasha Talisyada Sirdoonka ee waddamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo soconaya 29–30 April 2026.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha amni ee waddamada Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka, iyadoo la isla falanqeynayo caqabadaha jira iyo xoojinta iskaashiga dhinaca sirdoonka.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-galaya shirka ayaa la filayaa inay si qoto dheer uga wada-hadlaan khataraha amni ee sii kordhaya, oo ay ka mid yihiin argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan guud ee gobolka, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhinaca sirdoonka ah.
Sidoo kale, wuxuu xusay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo soo kabashada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in wadamada gobolka ay u baahan yihiin inay si wadajir ah uga hortagaan khataraha amni ee isa soo taraya.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyay wufuudda ka soo qeyb gashay shirka, isagoo u rajeeyay in uu noqdo mid miro-dhal ah oo laga gaaro natiijooyin wax ku ool ah.












