32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dagaal ka qarxay xaafadda Iskuul Buluusiyo oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad culus ayaa maanta ka taagan xaafadda Iskuul Buluusiyo ee degmada Xamarjajab, kadib markii saaka ay weerareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo burburin ka bilaabay halkaas.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in saaka ay xaafadda gudaha usoo galeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata gaadiidka dagaalka iyo Cagaf-Cagafyo, waxaana kusoo baxay askar Boolis ah oo qoysaskooda ay dagan yihiin xaafadda, kuwaas oo ay isku dhaceen, kadibna ay israsaaseeyeen.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle Tv ayaa xaqiijisay in goobta ay ku dhinteen laba carrruur ah, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo saaray dad kale oo shacab ah. Waxaa kale oo lasoo wariyay in dhaawac ahaan ay u geeriyootay haweeney Xaamilada aheyd oo goobta laga qaaday.

“Laba canug oo saqiir ah waa dhinteen halna waa dhaawac anaga oo ogeyn ayaa xabado nagula furay dadna waa dhinteen kuwana waa dhaawacmeen” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixisay xaaladda.

Sidoo kale waxay intaas ku dartay in dowladooda ay soo weerartay, isla markaana iyaga oo jiifa la dul keenay ciiidan iyo Cagafto, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dowladda awood ayay noo sheegatay wax aan ku guurnana ma haysano alaabteyda laamiga ayay daadsan tahay” ayay mar kale tiri hooyada.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Xamarjajab oo ku aadan xiisadda oo weli laga dareemayo aagga Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo, iyadoo goobta ay tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News