Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda fartay in aysan ku milmin siyaasadda Soomaaliya, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Itoobiya oo khudbad u jeediyay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya oo loo soo daabulayo Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan hawl-galka cusub ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa wuxuu si cad ugu sheegay ciidamada inay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda.
Taliyaha ayaa u sheegay ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku biiraya hawl-galka AUSSOM inay dabaqaan isbeddelka ku yimid siyaasadeeda Soomaaliya, isla markaana ay si buuxda uga fogaadaan xiisadaha siyaasadeed.
Ciidamadan ka tirsan xoogagga difaaca qaranka itoobiya (ENDF) ayaa lagu wadaa inay beddelaan cutubyo kale oo horay uga hoos shaqeynayay hawl-galka AUSSOM, kuwaas oo uu waqtigoodu dhammaaday.
“Waa inaad diiradda saartaan waajibaadkiinna shaqo, dhowrtaanna sharafteena, maadaama aad tihiin safiirradeenna,” ayuu yiri taliyaha ciidamada dhulka, oo la dardaarmayay ciidamada cusub ee loo soo dirayo Soomaaliya.
Dhinaca kale, falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa aaminsan in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya uu ku yimid isbeddel weyn, taas oo ka dhalatay dhaq-dhaqaaqyadan cusub.
Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ku deeqa hawl-gallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya, muddo haatan ku dhow 20 sano.
Dalalka ciidamadooda qeybta ka yihiin hawl-galkan waxaa ka mid ah Itoobiya, oo ay weheliyaan Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi, iyo sidoo kale Masar, oo dhowaan si rasmi ah ugu soo biirtay hawl-galka.
Si kastaba, isbeddelka ku yimid siyaasaddii Itoobiya ee Soomaaliya, oo horey ugu shaqeyn jirtay gacan-siinta maamul-goboleedyada ayaa haatan horseeday inay si toos ah ula shaqeyso dowladda dhexe, taas oo sahashay in dowladda dhexe ay si guul ah maamulka Koonfur Galbeed kala wareegto maamulkii Cabdicasiis Lafta-gareen, oo haatan dibad-joog ah.

