Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Marwo Fardowsa Osman Egal oo maanta qoraal soo saartay ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xubinimadii Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Fardowsa ayaa sidoo kale iska casishay Xoghayaha Batroolka iyo Macdanta ee xisbiga, iyo gebi ahaan xisbiga oo haatan ku howlan dhaq-dhaqaaq doorasho.
“ISCASILAAD, Aniga oo ah Xildhiban Fardowsa Osman Egal waxaan Iska casilay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo aan ka ahaa Xoghayah Batroolka iyo Macdanta. Wabillaahi Towfiiq,” ayay ku tiri warsaxaafadeedka.
Ma caddeyn Fardowsa sababta rasmiga ah ee keentay inay isaga baxdo xisbiga, balse waxay kamid noqoneysaa mas’uuliyiin kala duwan oo horay isaga casilay JSP, waxaana ugu dambeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.
Is-casilaadda Fardowsa Osman Egal oo deegaan doorashadeeda ay tahay Puntland ayaa dhalisay hadal-hey, waxaana ka fal-celiyay dad kala duwan.
Yaxye Cabdulle: “Walaale xaga iyo xagga ha seeegin meeel ku tiir sanow bahashaankala guur waaye,”.
Sayid Cali Maxamuud: “Intaas Saciid Deni kursi uga soo heli maysidee in aad halkaada iska joogto amay kuu ruun tahay,”.
Cabdiraxiin Cismaan: “Horta xisbiga maxaa ka quseeya Batrool iyo Macdan waa yaabe xisbigu ma xukuumad baa”.
Raaqiya Siid Cali: “Naag nool waqti fiican ka degtay Train waalan meel ku socdo la aqoon!”.

