Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Faarx Sheekh Cabdulqaadir oo maanta ka qayb-galay kulan ka dhacay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Somalia iyo mucaaradka.
Ugu horreyn Faarax Sheek Cabdulqaadir ayaa jawaab siiyay mucaaradka, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay in miiska ay soo saaraan dood caafimaad qabta oo la jaan qaadi karta horay u socodka dowladnimada.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in waxa la’isku hayo kaliya ay tahay doorasho dadban, isla markaana aysan sababi karin in la kala tago, isaga oo intaas ku daray in dowladdu sii joogi karto sanad ama laba sano oo kale.
“Dadka qaar ee mucaaradka ah doodooda waxay u badan tahay doorasho dadban dalkan hala aadiyo waxaan rabaa inaan idin sheegno doorasho dadban sharci ma aha sheekada ah doorashada halaga heshiiyo hadaad maqashaan horta waa doorasho dadban maxaa yeelay midda qof iyo codka ah heshiis uma baahna,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Haddii 15 May la gaaro waa la wada joogi karaa sanad ama laba sano oo kale, horta dadka ha fahmaan waxa la isku haayo,”.
Waxaa kale oo uu ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ee hadda shirarka ka wada caasimada inay is dajiyaan, ayna meel iska dhigaan rabitaanka shaqsiga ah.
“Annaga waxaan rabnaa in dowladda wax lala qabsado in dood caafimaad qabto loo keeno ayaan rabnaa, laakiin inay ku saleysnaato rabitaan qofeed iyo anigaa diiday waxba kama soconayaan,” ayuu mar kale yiri wasiirku.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay muddo kororsiga halka sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii ay ka biyo diideen xubnaha mucaaradka oo dhawaan sheegay in marka laga gaaro 15-ka May, 2026 ay u aqoonsan doonaan muwaadin la mid ah shacabka.

