28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Imaaraadka oo sheegay inuu weeraro culus kala kulmayo Iran – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay in dalkeeda lagu soo qaaday weerar ballaaran oo isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones), kaas oo kaga yimid dhanka dalka Iiraan.

Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qaado dal ku yaalla Khaliijka, tan iyo markii bishii hore ay heshiis xabbad-joojin ah gaareen waddamada Mareykanka iyo Iiraan.

Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in ugu yaraan afar gantaal oo nooca riddada dheer (cruise missiles) ah laga soo riday dhanka Iiraan, kuwaas oo lala beegsaday gudaha Imaaraadka.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in nidaamka difaaca hawada ee dalka uu si degdeg ah uga jawaabay weerarka, iyadoo la isku dayayo in laga hortago khasaare intaas ka badan.

Dhanka kale, weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sababay dab weyn oo ka kacay xarun dhanka tamarta ah oo ku taal magaalada Fujairah.

Dekedda Fujairah ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee loo isticmaalo dhoofinta shidaalka Imaaraadka, iyadoo laga weeciyo Marinka Hormuz ee inta badan lagu muransan yahay.

“Kooxaha difaaca madaniga ah ee Fujairah ayaa isla markiiba ka jawaabay dhacdada, waxayna weli ku hawlan yihiin dadaallada lagu xakameynayo dabka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Fujairah.

Xiisadda gacanka iyo iska hor-imaadka Mareykanka iyo Iiraan

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku sii shareertay maanta, kadib markii dowladda Mareykanka ay ku dhawaaqday qorshe ay maraakiibta ku galbinayso marka ay ka baxayaan Marinka Hormuz.

Wakaaladda wararka ee Fars oo laga leeyahay dalka Iiraan ayaa werisay in ciidamadoodu ay laba gantaal ku dhufteen markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, xilli uu isku dayayay inuu gooyo marinkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa si kulul u beeniyay warkaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Dhacdadan ayaa muujinaysa jilicsanaanta heshiiskii dhowaan la gaaray iyo sida uu gobolka Khaliijka ugu dhow yahay iska-hor-imaad toos ah oo saameyn ku yeelan kara suuqyada caalamiga ah ee tamarta.

- Advertisement -

Read more

Local News