28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Somalia oo Burkina Faso la yeelanaysa iskaashi cusub iyo wafdi sare oo loo diray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Burkina Faso, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalkaas, Mahamadou Sana.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Amniga Burkina Faso, taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, iyadoo diiradda la saarayo la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadli doona sidii loo kordhin lahaa isfahamka ku aaddan caqabadaha amni ee ka jira labada dal iyo xoojinta iskaashi waara.

Inta uu socdo safarka, waxaa la filayaa in labada dhinac ay yeeshaan kulamo muhiim ah oo lagu falanqeynayo istaraatiijiyado cusub oo lagu xoojinayo dadaallada wadajirka ah.

Kulamadan ayaa si gaar ah diiradda u saari doona sidii si mideysan loola dagaallami lahaa kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya amniga gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Burkina Faso oo dhawaan xiriirkooda diblomaasiyadeed kor u qaaday ayaa haatan muujinaya sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News