Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (Qaranka), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka dalka.
Fahad ayaa tusaale ugu soo qaatay sheekadii cudurka Daacuunka Xajaaj Bin Yuusuf xilligii uu ka talinayay dalka Ciraaq, wuxuuna ku duray Xasan Sheekh.
“Xajaaj Bin Yuusuf kolkii Ciraaq loo dhiibay muddo yar gudaheed waxaa dadkii ka baxay cudurkii Daacuunka ahaa ee aadka ugu faafay. Xajaaj ayaa Masjidkii u dhawaa Madaxtooyadiisa ka is taagay oo ku faanay in markii uu amiirka ka noqday Ciraaq inay dadkii caafimaad heleen oo Daacuunkii laga dul qaaday. Waxaa u jawaabay oday masjidka fadhiyey oo yiri, “Ilaahay waa ka naxariis badan yahay in dadka Reer Ciraaq uu isugu daro cudurka Daacuunka iyo Xukunka Xajaaj,” ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sidoo kale, wuxuu soo hadal qaaday amniga caasimada oo ay dowladda siisay mudnaan gaar ah, isaga oo sheegay in Alle uu shacabka Muqdisho ka ilaaliyay inuu isugu daro barakicin iyo bambada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
“Waayadaan waxaan maqlaa Xamar waa nabad iyo amniga waan ku guulaysannay. Waxaan uga jawaabay, “Ilaahay waa ka naxariis badan yahay in shacbka Muqdisho uu isugu daro barakocinta Birmade Xasan iyo bambada Shabaaab,”. ayuu mar kale yiri Fahad.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, xilli mucaaradka uu isku diyaarinayo qabashada dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo 10-ka bishan oo beri ku beegan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Mucaaradka ayaa raba in dibadbaxa ay qeyb weyn ka noqdaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

