Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa oo qaylo dhaan culus kasoo saaray barakicinta shacabka magaalada Muqdisho.
Shariif ayaa eedeymo waa wayn u jeediyay dowladda federaalka, isaga oo sheegay in dhibaato xoogan ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.
“Meeshaan waxaa ka jirta dhibaato xanuun leh oo waligeed soo marin Soomaaliya, Ilaahey waxaan ka baryeynaa tan inay kusoo noqon Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel-gaarka ahayd.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in aan laga aamusi karin dulmi u sheegay in lagu hayo reer Muqdisho, isla markaana ay ka dhiidhinayaan.
“Immisa qof ayaa la dulmiyay magaalada Muqdisho oo gurigooda laga barakiciyay ma idin la tahay sax inaan ka aamusno kama aamusi karno,” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.
Waxaa kale oo uu shacabka ugu baaqay inay berri soo baxaan, ayna qayb ka noqdaan dibadbaxa mucaaradka ee lagu diidan yahay dhulboobka caasimada.
Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda si cad u diiday dibadbaxa, kana digtay in la carqaladeedyo amniga caasimada.
Si kastaba, Mucaaradka ayaa raba inay kiciyaan shacabka laga burburiyay guryihii ay deganaayeen, kuwaas oo maalmihii dambe cabasho marinayay warbaahinta.

