Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lagu soo warramayaa inay is-kala qaybiyeen, si ay isugu fidiyaan magaalada Muqdisho oo ay berri ku qaban doonaan banaabax ay diidan tahay dowladda Soomaaliya.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, xubnaha mucaaradka ayaa qorsheeyay in isku kala qaybiyaan degmooyinka Hodan, Deyniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijyay in Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu u guuray Waqooyiga Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, halkaas oo ah meeshii uu 2022-kii abaabulka kasoo bilaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas mucaarad ahaa, kadibna sidaas lagu riday Madaxweyne Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in qorshaha Shariif uu yahay in berri uu dibadbaxa kasoo bilaabo Mirinaayo, iskuna fidiyo xaafadaha waqooyi ee caasimada.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya inay Axadda Berri ah qabtaan Banaanbaxa looga soo horjeedo dhulboobka iyo barakacinta shacabka Muqdisho.
Goor sii horreysay oo maanta ah Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dibadbaxooda berri uu bilaaban doono 7:00am, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan, ayna raadsadaan xuquuqdooda.
“Banaanbaxa waa berri waa 7:00 subaxnimo waxaan rabnaa in la’isku soo baxo oo qof walba xuquuqdiisa raadsado banaanbaxa berri oo kaliya ma’aha waa sida uu u bilowday,” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay haddii la dhibaatayo dadka isku soo baxayo iyo madaxdii hore ee dalka in mas’uuliyadda ay qaadi doonto dowladda.
Khayre ayaa sidoo kale u digay ciidamada ammaanka in loo adeegsado siyaasad iyo inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee la barakiciyay.
Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dhankeeda si cad u diiday dibadbaxa, kana digtay in la carqaladeedyo amniga caasimada.

