Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si deg-deg ah dib ugu soo laabtay dalka kadib markii booqasho ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.
Xasan Sheekh ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu ka baaqday safar uu ku tegi rabay dalka Uganda, sababo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada Muqdisho ee ka dhalatay dibadbaxa ay wadaan xubnaha mucaaradka dalka.
Dhanka kale, waxaa dib u dhac uu ku yimid kulankii wadahadalka ee la qorsheeyay inay maanta wada yeeshaan Villa Somalia iyo mucaaradka, kaas oo qorshuhu in looga hadlo arrimo masiiriga ah, gaar ahaan doorashooyinka.
Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in Madaxweynaha uu talo soo dhigo dhexda, isla markaana la aado doorashooyina guud oo heshiis lagu wada yahay.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana lagu sii dhawaanayaa 15-ka May oo ah maalintii lasoo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada iyo marxaladda kaa guurka soo baxa khiaafaad gudaha, iyada oo haatan laga digayo inuu dalku fowdo iyo firaaq dastuuri ah oo ka dhasha dhammaadka muddo xileedka dowladda.

