Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dibadbaxa mucaaradka ee haatan ka socoto magaalada Muqdisho, kaas oo durbo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in shacab ka qayb-galayay dibadbaxa oo ku sugnaa degmada Dayniile la rasaaseeyay, isla markaana uu jiro khasaare kala duwan.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Kahyre oo shir jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay dhimashada hal wiil iyo dhaawaca tiro kale oo shacab ah, isaga oo u tacsiyeeyay ehellada dadka ay waxyeellada soo gaartay.
“Waxaan u tacsiyynayaa ehellada ay dadkooda ku naf-waayeen banaanbixii nabadeed ee ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Khayre ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay rasaas u adeegsadeen shacab dhigayay banaanbax nabadeed, isaga oo sidoo kale sheegay in dadka ka badbaaday falkaas ay kamid tahay Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte.
“Banaanbaxaas nabadeed oo socda ayay ciidanka dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo oo maalmuhu u dhiman yihiin waxay huwiyeen rasaas aan loo Aabe yeelin daka khatarta ku galay meeshaas oo Ilaahey ka badbaadiyay marqaatina ka ahaa waxaa kamid ah Xildhibaan Faa’iso Jayte oo socotay goobtaas ay dadku ku dhibaatoobeen,” ayuu mar kale yiri Khayre.
Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in weli ciidamo ay dul joogaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isla markaana la xadiday dhaq-dhaqaaqyooda sida uu hadalka u dhigay.
Mucaaradka oo weli diidan hannaanka uu wax ku wado Xasan ayaa dalbana in talada uu soo dhigo dhexda, kadibna la aado doorasho heshiis lagu yahay.

