28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

DF iyo beesha caalamka oo wada-hadallo xasaasi ah ku yeeshay Xalane

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo safiirrada dalalka Midowga Yurub ee taageera Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Xalane ee xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo ay ka qeyb-galeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo diblomaasiyiinta Midowga Yurub.

Intii uu socday kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee dalka, dadaallada socda ee lagu xasilinayo Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira la-dagaallanka kooxaha amni darrada abuuraya.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada-hadlay geeddi-socodka dhammaystirka dastuurka dalka, iyadoo Dowladda Federaalka ay xoojisay muhiimadda ay leedahay in la gaaro dastuur dhammeystiran oo saldhig u noqda dowladnimo loo dhan yahay.

Arrimaha doorashooyinka tooska ah ayaa iyaguna qeyb weyn ka ahaa ajendaha kulanka, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta nidaam doorasho oo qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, iyadoo la isla soo qaaday dadaallada lagu xoojinayo kobaca dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada dowladeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dowlad-dhiska, horumarinta dhaqaalaha, iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Kulankan ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, oo ayagu caasimadda ka wada dhaq-dhaqaaqyo iyo banaanbaxyo ka dhab ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

- Advertisement -

Read more

Local News