27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Safaaradda Soomaaliya oo dayacday Soomaalida ku dhibban dalka Liibiya + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Tripoli (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe dhibaato hor leh ay soo wajahday Soomaalida tahriibka ku joogta dalka Liibiya, gaar ahaan magaalada Tripoli, halkaas oo la sheegay in kooxo magafayaal ah ay bilaabeen inay bartilmaameedsadaan Soomaalida ku nool xaafadaha caasimadda.

Sida uu sheegay Muuse Axmed oo ku sugan Tripoli, in ka badan 300 oo qof ayaa illaa hadda la la’yahay meel lala aaday, waxaana loo badinayaa in qaarkood loo afduubtay madax-furasho hor leh, halka qaar kalena la sheegay in ay gacanta ku hayaan laamaha amniga.

Muuse ayaa sheegay in xaaladda Soomaalida ku sugan Liibiya ay kasii dartay, isagoo intaas ku daray in dadka la qabqabtay qaarkood lagu qaaday gaadiid aan u muuqan kuwa ay leeyihiin laamaha amniga, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo halka ay ku dambeynayaan.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay safaaradda Soomaaliya ee Liibiya inay dhegaha ka fureysatay cabashada Soomaalida, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay in aanay ka jawaabin qeylo-dhaantooda.

Muuse ayaa sheegay in tahriibayaasha kasoo jeeda dalal kale ay caawimaad ka helaan safaaradahooda, halka Soomaalidu ay weli wajahayaan xaalad adag oo aanay helin garab istaag ku filan.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin halis ah oo ay isticmaalaan tahriibayaasha Afrikaan ah ee doonaya inay u gudbaan Yurub, waxaana dalkaas ka jira kooxo magafayaal ah, maleeshiyaad iyo shabakado ka ganacsada dadka, kuwaas oo inta badan afduuba tahriibayaasha si ay uga qaataan lacago madax-furasho ah.

Soomaalida ku sugan Liibiya ayaa ka mid ah dadka ugu nugul xaaladahaas, maadaama badankood aysan haysan sharciyo rasmi ah, isla markaana ay ku nool yihiin cabsi joogto ah oo la xiriirta afduub, xarig, jirdil iyo in lagu qasbo qoysaskooda inay bixiyaan lacago badan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal muujinaya Soomaali la qabqabanayo, laguna saarayo gaadiid aan ahayn kuwa laamaha amniga.

- Advertisement -

Read more

Local News