31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

FIQI oo xog ka bixiyay shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka uga socdo Xalane

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay shirka haatan ka socda Xalane ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in goobta lagu shirayo ay tahay xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo xayndaabka Xalane ee magaalada Muqdisho.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dawladdu leedahay ayuu ka dhacayaa iyo dhul dawladdu ka taliso,” ayuu yiri Fiqi oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in mucaaradka uusan wadan wax ajende ah, isla markaana ay ka muuqato kalsooni darro, sida uu hadalka u dhigay.

“Kuwa aan isku kalsoonayn ee dhibcaha ka raadinaya wax kasta waxaan u Cadnaan’s in madaxda dalka wadahadalku  u yahay mabda’, laakin kooxda calaacalku wax qiimo uguma fadhiyo, waayo wax ajende ah ma wataan oo aan ahayn wadahadal kasta in ay fashiliyaan,” ayuu mar kale yiri Wasiirku.

Axmed Macallin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday shirkii baaqday ee uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna tilmaamay in xubnaha Golaha Mustaqbalka ay diideen gogosha loo fidiyay.

“Waxay diideen gogosha madaxweynuhu u fididyey, tabartooda ayay soo tijaabsheen 10kii bishan, waxayna ku soo laabteen isla gogoshii qeyb ka mid ah,” ayuu sii raaciyay.

Wada-hadallada oo maanta bilowday ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metali doonaan Madaxweyne Saciid Deni, Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wadahadallada oo ku bilowday jawi deggan ayaa waxaa garwadeen ka ah Mareykanka, iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka, iyadoo ujeedadu tahay in lagu gaaro xal waara oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News