Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka oo maanta wada-hadal toos ah la furay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shuruudooda koowaad ka dhigay in marka hore ay dowladda sii deyso dadka shacabka ah ee ku xiran xabsiyada ee loo haysto aragtiyadooda iyo cabashooyin ay muujiyeen dartood.
Wararka ayaa sheegaya in dhanka Madaxweynaha uu aqbalay dalabka xubnaha mucaaradka, iyadoo la filayo in lasii daayo dadka haatan xiran.
Shuruudan ayaa loo arkaa mid ay mucaaradka ku doonayaan inay kusoo dhaweystaan dadka ku fikirka ah ee dagaalka kula jira dowladda, maadaama ay maalmahan qaar kamid ah dhalinyarada iyo dadka la barakiciyay ay la dareen noqdeen mucaaradka oo dibadbaxyo ka abaabulay gudaha Muqdisho.
“In mucaaradku ay qodobkaan ka dhigeen shardiga koowaad ee uu wadahadalku ku furmi karo soow mucaaradka kama dhigeyso in ay yihiin rag loo dhiman karo oo qadiyad iyo abaal labadaba leh?,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Cali Yare Cali oo ka falceliyay dalabka mucaaradka.
Waxaa kale oo uu ku daray “Sidoo kale qalbiyada iyo dareenka dhallinyarada xirxiran iyo qoysaskooda kama dhigeyso midaan jabin oo bir ah?”.
Si kastaba, Wada-hadallada oo ku bilowday jawi deggan, uuna dhex-dhexaadinayo Mareykanka ayaa si habsami leh uga socda xayndaabka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka.
Sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, shirka ayaa ka socda xafiis dowladdu leedahay oo ku dhex-yaallo Xalane, waxaana ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehlinayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka ay metalayaan Madaxweyne Deni, Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabanayo Xalane, isla markaana ay door wayn ku leeyahay beesha caalamka, si loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku aadan khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

