27.2 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Magacaabista Nadaara oo horey uga tirsanaa Shabaab oo dhalisay su’aalo culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xil muhiim ah u magacaabay Ibraahim Aadan Ibraahim, oo loo yaqaanno Nadaara, kaas oo horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegayaan ilo siyaasadeed iyo warar hore oo laga qoray taariikhdiisa.

Ibraahim Nadaara ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Shaqaalaha iyo Taakuleynta Wasaaradda Gaashaandhigga, xil loo arko mid muhiim ah marka la eego kaalinta wasaaraddaas kaga jirto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo maamulka arrimaha ciidanka.

Magacaabistan ayaa dhalisay dood siyaasadeed iyo mid amni, maadaama Nadaara lagu tilmaamo mas’uul hore xilal uga soo qabtay Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Bay iyo Bakool, ka hor inta uusan sheegay inuu ka baxay kooxdaas.

Kadib markii uu ka soo goostay Al-Shabaab, dowladda federaalka ayaa Nadaara siisay xilal kala duwan. Waxaa horay loogu magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan, oo loo sameeyay ka hortagga iyo la dagaallanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata. Xaruntaas ayaa sidoo kale door ku leh baxnaaninta, hubinta iyo dib-u-dhexgalka dadka ka soo baxa kooxaha xagjirka ah.

Nadaara ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, taas oo ka mid ahayd xilalka ugu sarreeya ee uu dowladda ka qabtay tan iyo markii uu ka soo baxay Al-Shabaab.

Magacaabistiisa cusub ayaa dib u furtay su’aal muddo taagneyd oo ku saabsan sida dowladda federaalka ula tacaasho xubnaha ka soo goosta Al-Shabaab, gaar ahaan marka loo dhiibayo xilal dowladeed oo xasaasi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer ku dhiirrigelinaysay xubnaha Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, taas oo qayb ka ah istiraatiijiyadda lagu wiiqayo kooxda. Hase yeeshee, dadka dhaliilsan habkaas waxay ku doodaan in barnaamijka dib-u-dhexgalka uusan mar walba la socon hufnaan, isla xisaabtan iyo nidaam dadweynuhu ku kalsoonaan karo.

Dhaliilaha ugu waaweyn ayaa ah in dadka ka soo baxa Al-Shabaab mararka qaar si degdeg ah loogu abaalmariyo xilal iyo shaqooyin dowladeed, iyadoo aan si cad loo sheegin doorkii ay kooxda ku lahaayeen, in lala xisaabtamay iyo in si buuxda loo hubiyay inay ka tanaasuleen fikirkii ay horay u aaminsanaayeen.

Dadka diidan magacaabista noocan ah waxay sheegayaan in aan la diidaneyn in qof ka soo goostay Al-Shabaab la baxnaaniyo ama bulshada dib loogu soo celiyo, balse ay tahay in la caddeeyo marxaladihii uu soo maray, heerka hubinta lagu sameeyay iyo sababta loogu aaminayo xilal muhiim ah.

Ilaa hadda dowladda federaalka kama bixin faahfaahin ku saabsan habraaca loo maray magacaabista Nadaara, heerka hubinta amni ee lagu sameeyay iyo sababta loogu arkay inuu ku habboon yahay xilkan cusub.

- Advertisement -

Read more

Local News