27.2 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Xog: Saciid Deni oo dayro kala kulmay Imaaraadka, ogol muddo kordhinta Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo magaalada Muqdisho uga qeybgalaya shirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, ayaa lagu soo warramayaa inuu muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u arko fursad siyaasadeed oo dani ku qasbeyso.

Ilo aad ugu dhow Deni ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Puntland, oo xiriir dhow la leh dowladda Imaaraadka Carabta, uu xilligan wajahayo caqabad dhaqaale oo saameyn ku yeelan karta ololihiisa doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Ilahan ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu Deni u caddeeyay inuusan xilligan awoodin inuu dhaqaale ku bixiyo ololihiisa doorashada, sababo la xiriira culeysyo dhaqaale iyo amni oo ka dhashay xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalladii iyo kacsanaantii la xiriirtay Iiraan iyo xulafada Mareykanka.

Sida ay ilahaasi sheegeen, Abu Dhabi ayaa Deni ku wargelisay in aysan xilligan haysan dhaqaale badan oo loogu talagalay hawlgallo siyaasadeed oo dibadda ah, taas oo hoos u dhigtay rajadii uu ka qabay in lagu taageero ololihiisa doorashada soo socota.

Arrintan ayaa la sheegay inay Deni ku riixeyso inuu doorbido in dowladda federaalka loo kordhiyo muddo u dhexeysa sanad iyo sanad iyo bar, si uu waqti ugu helo inuu dib u dhiso qorshihiisa siyaasadeed iyo dhaqaalihii uu ku gali lahaa doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa, sida ay ilo siyaasadeed sheegayaan, rajeynaya in xaaladda Bariga Dhexe ay is beddesho, isla markaana dhaqaalaha Imaaraadka uu dib u xasilo, taas oo suuragal ka dhigi karta in uu helo taageero dhaqaale oo uu ku galo tartanka doorashada madaxtinimada.

Imaaraadka ayaa sanadihii u dambeeyay wajahday culeysyo siyaasadeed iyo amni oo ka dhashay faragelinteeda gobolka, laga bilaabo Yemen ilaa Soomaaliya iyo Suudaan. Ka bixitaankeeda qeybo ka mid ah Yemen iyo dhaqdhaqaaqyadii laga soo sheegay saldhigga Boosaaso ayaa loo arkay dib-u-habeyn ku timid istiraatiijiyaddeeda gobolka.

Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la sheegay inuu fursad siyaasadeed u arko caqabadaha dhaqaale ee soo food saaray garabka Saciid Deni. Farmaajo ayaa si adag uga soo horjeeda muddo-kordhin loo sameeyo dowladda federaalka, iyadoo muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh lagu sheegay inuu ku eg yahay 15-ka May.

Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in Farmaajo uu haysto keyd dhaqaale oo uu ku geli karo doorashada soo socota haddii dhinacyadu ku heshiiyaan hannaan doorasho oo degdeg ah. Taas ayaa ka dhigeysa inuu daneynayo in doorashada la qabto sida ugu dhaqsaha badan, halkii dowladda hadda jirta loo sameyn lahaa muddo-kordhin.

Shirka ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa laga sugayaa go’aanno masiiri ah oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadda dalka. Waxaa si weyn loo hadal hayaa in dhinacyadu ka gaari karaan heshiis ku saabsan doorasho la isla oggol yahay iyo muddo farsamo oo dowladda loogu daro, taas oo lagu sheegay inay noqon karto hal sano.

- Advertisement -

Read more

Local News