27.4 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Shiinaha oo shaaciyay inay Mareykanka la dagaallami karaan haddii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa uga digay dhiggiisa Mareykanka Donald Trump in khaladaad laga sameeyo arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karaan “isku dhac”, taas oo ahayd farriin kulul oo furitaan u noqotay shir madaxeed ay labada hoggaamiye ku yeesheen magaalada Beijing.

Madaxweyne Trump ayaa gaaray Shiinaha isaga oo ammaan ugu qubeeyay madaxweynaha martigeliyay, wuxuuna Xi ku tilmaamay “hoggaamiye weyn” iyo “saaxiib”, isaga oo u fidiyay casuumaad uu Xi ku booqan doono Aqalka Cad bisha Sebteembar.

Marka laga soo tago soo dhoweynta heerkeedu sarreeyo ee uu u sameeyay Trump, Xi oo ku hadlayay luuqad deggan ayaa sheegay in labada dhinac “ay tahay inay noqdaan saaxiibo ee aysan noqon xafiiltamayaal”, isaga oo markiiba si toos ah u soo hadal qaaday arrinta Taiwan oo ay Beijing sheegato inay ka mid tahay dhulkeeda.

“Arrinta Taiwan ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka,” ayuu yiri Xi Khamiistii, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Shiinaha wax yar kadib markii uu billowday wada-hadalkii socday muddo laba saacadood iyo 15 daqiiqo ah.

“Haddii si qaldan loo maareeyo, labada dal way isku dhici karaan ama xitaa dagaal ayay geli karaan, taas oo xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka gebi ahaanba gelin karta xaalad aad u halis ah,” ayuu raaciyay Xi.

Iyadoo sumcadda Trump ay dhaawacday dagaalka Iiraan oo aan muujinayn wax calaamado qaboojin ah, booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah uu ku tago Shiinaha muddo ku dhow toban sano ayaa yeelatay muhiimad dheeraad ah, iyadoo uu raadinayo guulo dhanka dhaqaalaha ah.

“Waxaa jira dad leh kani wuxuu noqon karaa shirkii ugu weynaa abid,” ayuu Trump u sheegay Xi isaga oo jeedinayay hadallo kooban oo furitaan ah kadib xaflad ay ka soo muuqdeen ciidanka sharafta iyo carruur badan oo lulayay ubaxyo iyo calamo, taas oo ka dhacday dhismaha weyn ee Great Hall of the People ee magaalada Beijing.

Xiriirka laba geesoodka ah ee ugu muhiimsan caalamka

Inkasta oo ay jirto arrinta Taiwan, labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Intii uu ku guda jiray khudbaddiisii casho-sharafta ee uu la qaatay Xi, Trump waxa uu sidoo kale sheegay in muwaadiniinta Mareykanka iyo Shiinaha ay muddo dheer wadaagayeen “dareen qoto dheer oo is-xushmeyn ah”, isaga oo soo qaatay tixraacyo taariikheed si uu u xoojiyo qodobkiisa.

Isaga oo hadlayay ka hor Trump intii ay cashadu socotay, Xi wuxuu yiri: “Shacabka Shiinaha iyo Mareykanka labaduba waa shucuub weyn. In la gaaro dib-u-soo-nooleynta weyn ee qaranka Shiinaha iyo in Mareykanka dib loo weyneeyo mar kale waxay noqon karaan kuwo isla jaanqaada.”

“Labadeenuba waxaan rumeysan nahay in xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka uu yahay xiriirka laba geesoodka ah ee ugu muhiimsan caalamka. Waa inaan ka dhignaa mid shaqeeya oo aynaan waligeen kharribin,” ayuu sidoo kale yiri.

Maalin ka hor, hoggaamiyaha Shiinaha ayaa u sheegay Trump in wada-hadalladii hordhaca ahaa ee u dhexeeyay kooxaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Mareykanka iyo Shiinaha, kuwaas oo Arbacadii ka dhacay Kuuriyada Koonfureed, ay gaareen “natiijooyin isku dheellitiran oo wanaagsan”, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ku sheegtay qoraal soo koobayay hadalladaas.

Katrina Yu oo ka tirsan telefishinka Al Jazeera, kana soo warrameysay Beijing, ayaa sheegtay in “farriinta guud ee ka imaanaysa Beijing kuna socota Mareykanka ay tahay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu noqdo mid dabacsan oo uu aqbalo is-afgaranwaaga arrimo kala duwan sida Iiraan, ganacsiga ama teknoolojiyadda.”

“Laakiin waxaa jirta hal arrin oo Shiinaha iyo Madaxweyne Xi aysan marnaba dabacsanaan ka muujin karin. Arrintaasina waa Taiwan,” ayay tiri.

“Dhammaan wixii ay Beijing soo bandhigtay saacadihii la soo dhaafay — asluub wanaag, saaxiibtinimo iyo gacmo furnaan si loo yeesho wada-shaqeyn dhow — ma aha bilaash, waxayna ku xiran yihiin hal shardi: in Washington ay aqbasho inuu jiro hal Shiine oo keliya iyo in Beijing ay aad uga dhab tahay inay Taiwan gacanteeda kusoo celiso.”

Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump “uu kulan wanaagsan la qaatay Madaxweyne Xi.”

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labadeenna dal, oo ay ku jirto in la ballaariyo suuqyada ay ganacsiyada Mareykanka ku leeyihiin Shiinaha iyo in la kordhiyo maalgashiga Shiinaha ee warshadahaheenna,” ayuu yiri qoraalka kasoo baxay Aqalka Cad.

Arrinta Taiwan oo weli taagan

Dhanka kale, mowqifka Mareykanka ee ku wajahan Taiwan ayaa ah “madmadow istiraatiiji ah”, sida uu sheegay Alan Fisher oo ka tirsan Al Jazeera, isna kana soo warramayay magaalada Beijing.

“Waxay leeyihiin Taiwan way jirtaa, laakiin waxay sidoo kale rumeysan yihiin inay qayb ka tahay Shiinaha weyn. Ma taageersana wax dhaqdhaqaaq madax-bannaani-doon ah, laakiin ma doonayaan inay arkaan Shiinaha oo awood kula wareegaya Taiwan.”

Haddana, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent, oo wareysi duuban siiyay telefishinka CNBC, markii wax laga weydiiyay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Taiwan, waxa uu sheegay in Trump uu fahamsan yahay xasaasiyadda arrinta Taiwan isla markaana uu ka hadli doono arrintan maalmaha soo socda.

Taiwan, dhankeeda, ayaa sheegtay ilaa hadda inaysan jirin “farriin la yaab leh” oo kasoo baxday shir madaxeedka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Shiinaha iyo Mareykanka ee ka socda Beijing, ayna Taipei xiriir dhow la leedahay Washington oo ku aaddan kulanka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Golaha Arrimaha Dhul-weynaha (Mainland Affairs Council) ee Taiwan.

Xi iyo Trump ayaa sidoo kale isku raacay in Biyomareenka Hormuz uu ahaado mid u furan socodka xorta ah ee tamarta, iyo in Iiraan aysan yeelan hub nukliyeer ah.

“Mareykanka, wax walba waxay ka yihiin Iiraan; Shiinahana, wax walba waa Taiwan. Labadooduba waxay aaminsan yihiin inay fursad iyo awood isku leeyihiin si ay isugu qanciyaan beddelidda mowqifyada,” ayuu yiri Fisher.

- Advertisement -

Read more

Local News