Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Jimcihii khudbad Xasaasi ah ka jeediyay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ku aaddan muddo xileedka sharciga ah ee hay’daha dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa meel fagaare ah kaga dhawaaqay in muddo xileedkiisa iyo kan Baarlaamaanka uu ku egyahay 15-ka May 2027, isla markaana ay ku cadahay dastuurka cusub ee dhawaan dhaqan-galay, sida uu ku dooday.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in go’aankan uu ku yimid rabitaanka shacabka, ayna gaartay hay’addii sharciga u lahayd, sida uu hadalka u dhigay.
“Muddo xileedka BFS iyo dowladda Soomaaliya oo Madaxweynuhu ugu horreeyo wuxuu dhacayaa 15-ka May 2027 anaa rabo oo go’aankaas gaaray ma aha hay’addii sharciga u lahayd ayaa gaartay go’aanka,” ayuu yiri Xasan.
Dhinaca kale, wuxuu jawaab siiyay xubnaha mucaaradka ee diidan muddo kororsiga halka sano ah, isaga oo tilmaamay in qayladooda aysan waxba soo kordhin doonin, isla markaana go’aanka Baarlamaanka uu dhaqan-galay.
“Wallaahi waa la buuqayaa hebel ayaa xagga ka qaylinayo, hebel ayaa yowmul qiyaamaha soo shidayo waa la dumayaa waa la kala tegayaa waryaa beenaale ayaa tahay waxaan kala tageyno maleh ee naga tag ayaan leenayay”.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya iyadoo gebi ahaanba lagu kala tagay wada-hadalladii Villa Somaliai iyo Golaha Mustaqbalka uga socday xerada Xalane, isla markaana ay gar wadeenka ka ahayd Beesha Caalamka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana muran uu ka taagan yahay hannaanka doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka.

