29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 16, 2026

QM oo war kasoo saartay fashilka wada-hadalladii Xasan iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane, kuna soo dhamaaday natiijo la’aanta.

QM ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay fashilka wada-hadalladaas, maadaama ay soo dhamaadeen, iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, kadib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada, Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Sidoo kale, QM ayaa farriin u dirtay Dowladda Federaalka, waxayna ugu baaqday in inta lagu jiro kala guurka ay fursad siiso wada-hadallada, si loo gaaro go’aan mid ah oo looga gudbi karo xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

“Haddaba, iyadoo Soomaaliya ay gelayso xilli kala-guur ah, bahda UNTMIS waxay rajaynaysaa in, inta lagu jiro marxaladdan, Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siiso la-tashiga dhammaan daneeyayaasha si la isaga raaco qaab-doorasho oo fulin leh, dadkana midayn kara,” ayaa la raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa isla qoraalka looga hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, iyadoo Soomaalidu loogu baaqay inay u midoobaan wax ka qabashada xaaladda dhanka nolosha ee ka jira gudaha dalka.

“Hawlgalka QM wuxuu kaloo ugu baaqayaa Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada dhibaatada bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jirta iyo khatarta joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta labada marxaladood oo xasaasi ah xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo mid bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah dalka, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada.

- Advertisement -

Read more

Local News