Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado uun kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya gudaha magaalada Muqdisho, Alper Aktaş.
Labada dhinac ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashigooda ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.
Danjire Alper Aktaş ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu garab taagan yahay dowladnimada Soomaaliya, xilli haatan ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso Villa Somalia iyo mucaaradka oo xulafo la ah Jubaland iyo Puntland.
Dhankiisa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Turkiya uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan dowladiisa, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa loo arkaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo uu Madaxweynuhu ku muujinayo la macaamilkiisa saaxibada Soomaaliya ee caalamka, xilli maanta uu dhaqan-galay muddo kororsiga halka sano ee uu horay ugu dhawaaqay.
“Muddo xileedka BFS iyo dowladda Soomaaliya oo Madaxweynuhu ugu horreeyo wuxuu dhacayaa 15-ka May 2027 anaa rabo oo go’aankaas gaaray ma aha hay’addii sharciga u lahayd ayaa gaartay go’aankaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo Jimcihii jeediyay khudbad uu kaha hadlay marxaladda uu galay dalka.
Si kastaba, mucaaradka ayaa iyaguna weli ku dhagan diidmadooda, iyaga oo ku adkeysanayo inuu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana gabi ahaan fashil kusoo dhammaaday wada-hadalladii labada dhinac ay gar wadeenka ka ahayd beesha caalamka.

