Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wareysi dheer bixiyay ayaa ka hadlay marxaladda cusub ee uu galay dalka, isaga oo si kulul uga falceliyay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriira xaaladda kala guurka ah.
Fahad Yaasiin ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu wado muddo kororsi sharci darro ah, uuna ku doonayo qoray si uu awood ugu muquuniyo mucaaradka.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in haatan Xasan Sheekh uu ku howlan yahay qorahe halis ku ah mucaaradka, isla markaana uu doonayo inuu ku go’doomiao magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Agaasimhii hore ee NISA ayaa carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe darbi dhagax ah loogu soo wareejinayo magaalada Muqdisho, si loola socdo dhaq-dhaqaaqa guud, isla markaana ujeedka Madaxweynaha uu yahay inuu isku ballaariyo Xamar, sida uu hadalka u dhigay.
“Ku darsasho qori wadato buu wadaa Xasan Sheekh hadda waxaa la ii sheegay magaalada Muqdisho laga wado in darbi lagu soo wareejiyo iyada oo dhagaxyo la dhigaayo magaalada oo dhan. Qorshaha wuxuu yahay badda in laga bilaabo oo magaalada saas loogu soo wareejiyo marka wuxuu rabaa Xamar oo kaliya, waana haysan karaa,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday wax-yaabaha la filan karo, maadaama ay markale fashilmeen wadahadalladii dowladda iyo mucaaradka ee ka socday xayndaabka xerada Xalane, isaga oo sheegay in la filan karo Badbaado Qaran 2 iyo inay is wajahayaan mucaaradka iyo dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.
“Badbaado Qaran 2 Xasan isaga ayaa hoggaaminaayo wuu soo weeraraa nimankan mucaaradka ah magaalada isaga ayaa xabad soo gelinaayo meesha uu dhihi lahaa walaalayaalow ila fariista,” ayuu mar kale yiri Fahad Yaasiin.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo iyadoo weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, waxaana dowladda ay ku adkeysatay qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay diideen.

