Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo diiday muddo kordhinta halka sano ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ay hore uga walaacsanaayeen in haddii bilo lagu daro muddo xileedka dowladda ay shacabka iyo siyaasiyiintu diidi karaan, balse uu hadda Xasan Sheekh si cad u muujiyay inuu doonayo muddo hal sano oo dheeraad ah.
“Aniga iyo Madaxweyne Saciid Deni waxaan ka welweleynay, war heedhe haddii bilo lagu daro dadku amey idinku diidaan. Waa run. Alxamdulillaah, hadda inuu soo istaago oo yiraahdo anaa sanad ku darsaday, oo afkiisa ka sheegto, waxaan is leeyahay waa meeshii uu ku dhiman lahaa ayuu taagan yahay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Sheekh Shariif uu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay muddo xileedkiisii ku darsaday hal sano, isla markaana aysan jirin cid hanjabtay xilligiisii.
“Xataa Annagaa Sheekhow! Saaxiibkey Sheekh Shariif haddii ay jirto muddo kororsi la sameeyey asaga ayaa ugu horeeyey madaxweyne muddo xileedkiisii ku darsaday hal sano. Waxaa la xusuustaa in aysan jirin cid u hanjabtay waqtigaas, ayadoo uu musharixiinta waqtigaas ninka ugu weyn uu ahaa madaxweynaha hadda xilka haya Dr. Xasan Sheekh,” ayuu ku jawaabay Fiqi.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay inuu joojiyo hanjabaadaha, isla markaana uu dib ugu noqdo diiwaanka taariikhdiisii hore
“Sheekhu waa ninkii ugu horeeyey ee jideeyey, ku qancay isla markaana qaatay hal sano oo ka dheeri ah muddo xileedkiisii. Hanjabaadaha iyo inuu Îskâ dhigo nin ka caaggan muddo kororsi, haddii uu ilaawayna diiwaanka dib ha ugu noqdo, haddii kalena yuusan is-moodsiin,” ayuu mar kale yiri Fiqi.
Hadalladan ayaa yimid xilli ay fashilmeen dadaallo lagu doonayay in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka, muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo qorshaha dowladda federaalka ee doorasho qof iyo cod ah.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana aan la aqbali karin in muddo kororsi lagu saleeyo isbeddello dastuuri ah oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin. Dowladda federaalka, dhankeeda, waxay ku adkeysaneysaa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo shalay Madaxweynuhu ku dhawaaqay in muddo xileedkiisa uu ku egyahan 15-ka May ee sanadka 2027.

